Aragtida Dadweynaha

Madaxwaynaha mustaqbalka dhaw, ee JSL Muuse Biixi? Mise C/raxmaan cirro?  FAALLO

Byadmin

Sep 8, 2016

Qalinkii Maxamuud-tallaabo

muuse-and-ciroWaxkasta oo mustaqbalka la xidhiidha run ahaantii cidda keliya ee oggi waa ALLAHA Kownkan iyo waxa saaranba iska leh, balse aadamuhu falan qayn iyo faallo dhigi waaye,  aynu maantana si kooban wax uga nidhaahno is bar bar dhigana ku samayno, suurta gal nimada laga filan karo Guddoomiye Cirro iyo Biixi ee dhawaanta la naawilaayo inaay ku hardamaan hanashada hogaanka dalka.

Waxaa la qoondeeyay inaay dalka ka dhacdo doorashooyinka madxtooyada iyo aqalka wakiilada 27/03/2017, haddii aanay wax kale is bedelin.

Hadaba aqalka madaxatooyada oo ah, meesha looga arrimiyo guud ahaanba dalkan JSL, waxaa maalintaas ugu cad cad Axsaabta siyaasadeed ee la filaayo inuu si wayn hirdan ugu dhex mari doonno labada xisbi qaran  ee Kulmiye iyo Waddani, oo ay u kala cumaamadan yihiin, Musharax Muuse Biixi Cabdi, iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo aan weli si rasmi ah u shaacin innuu isagu yahay Murashaxa Xisbi siyaasadeedka Waddani, balse la saadaalinaayo inuu dhawaan warkiisa oogta ka cadany doono.

Qalin qoraarkeenan maanta waxaynu doonaynaa inaynu in yar ka nidhaahno,taariikh ahaan labadan masuul kuwa ay kala yihiin, hogaamintooda, iyo midba waxa lagu qaadan karo, iyo weliba sida ay bulshada caalamku isha ugu hayso.

Yaanan waxba araarta ku sii dheeraanna aan ku sii socdo wax ka dhihista odayaashan qaranka.

Taariikh kooban, Muuse Biixi

Aan ku horaynee Musharash Muuse Cabdi, wuxuu sanadkii 1948dii ku dhashay deegaanka Xafar oo ah Galbeedka Hargaysa, isagoo wax barashadiisii Dugsi Quraanka halkaasi ku soo qaatay, waxbarashadiisii hoose/dhexenaq ku qaatay Dugsigii Sh Baraawe Hargaysa, halka uu Dugsigiisii Sare ku dhamaystay Camuud Boorama, wuxuu ku dambeeyay inuu noqdo sarkaal Ciidamadii Cirka ee Ex Xoogga dalka, wuxuu sanadihii Todobaatanaadkii Dalkii Ex USSR (Midawgii Soveit) ku soo qaatay aqoonta diyaaradaha dagaalka ee Fighter bomber Aircraft  M28.

Sanadkii 1984ka dhamaadkiisii ayuu ka tegay Dalka maraykanka, isagoo aqoon kordhsi Ciidan ugu maqnaa halkaa, waxaanu ku biiray Ururkii hubaysnaa SNM, isgaoo ka mid noqday horaanta sanadkii 1958kii.

Halkaa waxaa muddo koooban gudaheed ku soo debed baxday, kartida Muuse , hab dhaqankiisa qofnimo, iyo weliba aqoontiisa ciidanimo.

Muuse wuxuu in badan ka qayb qaatay hawlihii nabad gelyo ee dalka lagu xasilinaayay iyo kuwii siyaasadeedba.

 

Hab dhaqanka Muuse

Musharax Muuse Biixi, shaqo ahaa sidaynu soo sheegnay waa Sarkaal Ciidan, waxaa loo yaqaanaa inuu yahay shikhi si wayn u aaminsan jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof qalafsan oo ad-adag, waa aftahan kaftan badan,  sida caadiyan ahaanba lagu yaqaano askarta waxaa la tilmaamaa inuu yahay shakhsi ku kakan sharciga, dadka  arrimahan axadhaa waxay ku asteeyaan inuu yahay ruux aan aamisanayn ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye balse qaba inay Somalinad isku filaan karto, arimahaas iyo kuwo kale oo ay wadaniyadu ka mid tahay (Nationalism) waa astaamaha inta badan lagu yaqaano dadka ciidamada ka soo mid noqday.

Aynu intaas ku hakino wax ka sheegistaa kooban inagoo mar kale ku soo laaban donna warka Muuse markasooaynu  barbar dhigi doonno Guddoomiye C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isuna eegi donna waxyaabaha ay suura galka tahay in labadan hogaamiye ay ku kala qaataan dadka reer Somaliland, iyo bulshada Caalamka oo ah tan iyadu wakhti xaadirkan  jaan goysa guud ahaanba siyaasadda Dalkii la odhan jiray Soomaaliya, oo ay Somalilandna ku jirto ilku, iyo inaay si dhaw ula socoto dhaq-dhaqaaq kasta oo ka jirra  ishana ku  hayso xaaladiisa.

Markaa hadda aynu isgana isha marino taariikhada C/rxmn Cirro.

Guddomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu ku dhashay magaalada Hargaysa 1955tii,

Guddoomiye Cirro waxbarshadiisii hoose wuxuu ku qaatay Dugsiga hoose ee Saaxil oo ku yaalla Magalada Berbera, isagoo waxbarashadii Dexe iyo Sare ku dhamaystay Magaalada Sheekhda Cabdiraxmaan Cirro, sanadkii 1977- 1978kii, wuxuu macalin dugsi hoose dhex ka noqday Magaalada Oodwayne, wuxuu ka soo shaqeeyay Wasaaraddii Arrimaha debedda Ex Somalia, wuxuu soo noqday Qunsul Soomaaliya u fadhiya dalka ruushka , halkaasoo uu joogay ku sinaan 1998kii.

Wuxuu Somaliland soo gaadhay 2003dii isagoo ka mid noqday madaxdii sar sare uu Xisbi siyaasadeedka UCID, sanadkii 2005, isla sanadkaa wuxuu taabka ku dhigay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, kaasoo uu illaa iminka yahay.

Khilaaf wayn oo soo kala dhex galay isaga iyo Guddoomiyihii Xisbiga Faysal Cali Waraabe ka dib, Cirro Sanadkii 2011 Oct 6dii, wuxuu ku dhawaaqay Urur siyaasadeed loogu wan qalay Waddani ugu dambayntiina ka mid noqday Axsaabta qaranka, waxaanu ka noqday guddoomiye kaasoo uu welina ka yahay.

C/raxmaan wuxuu leeyahay shahaadooyin wax barasho oo kala duwan kuna siman ilaa heerka labaad (Master)

Hab dhaqanka C/raxmaan  Cirro

Guddoomiye Cirr waa siyaasi shicib ah, lama hubo inuu ka tegay shaqadii qunsulnimo ee uu hore u hayn jiray, waayo lama sheegin meel arrintaa lagu shaaciyay, sidoo kale lama oga inuu isagu yahay Murasha dhabta ah ee Xisbiga Waddani, sababtoo ah lama hayo meel Guddoomiye Cirro ku sheegay inuu isagu jagadaas u taagan yahay, waa nin hadal yar, oo af gaaban, waa shaqsi aan si cad loo garan Karin jihada uu u socdo, Guddoomiye Cirro waxaa lagu xantaa inuu yahay shaqsi aaminsan fikirka ah Fadaraalka (Federalism)

Waxaa la tilmaamaa inuu yahay hogaamiye jilicsan oo aanay waxba iskaga tirin cidda uu gadh wadeenka u yahay,

 

Is barbar dhig, saadaalin, iyo gebgebayn labadan hogaamiye ah

 

Muuse Biixi: xoriyadda hadalka, way yaraanaysaa/ C/raxmaan Cirro way badanaysaa.

Muuse Biixi: nidaamka & kala dambaynta (Law & order) si fiican/Gudd Cirro ma jirayso

Muuse Biixi: Xasilinta amaanka dalka haa/ Cabdiraxmaan Cirro maya.

Wadda jirka Xukuumadda : Muuse hal luuqad keliya/ Gudd Cirro kala socosho

Kaalmada shisheeye: Muuse in yar/ Gudd Cirro in badan

Ka baqashada hantida qaranka: Xukuumada Muuse haa/ Xukuumada Cirro maya.

 

Intaas yar aan kaga gudubno is barbar dhigga hogaamiyeyaashan, una dhaafno in aaynu eray iyo laba ka nidhaahno bulshada Caalamaka iyo waxa laga filan karo, ka dib markay danaheeda iyo rabitaankeeda dhugato.

 

Beesha Caalamka oo aynu hore u soo sheegnay inaay saamayn wayn ku leedahay guud ahaan geeska gaar ahaana dalkii laysku odhan jiray soomaaliya, rabitaankeeda ugu wayni waa hir gelinta fikikradahooda oo ay kow ka tahay taabo gelinta arrinta dimuqoraadiyadda iyo waxay cago ku qaadato,

Balse xiligan oo ay dalalka geeska ka jirto xaslilooni darro, waxaa ugu badan ee duniddu maanta oonka wayn u qabtaana yahay sidii loo sugi lahaa amaanka guud ahaantiis gaar ahaana meelaha ay door bidayaan oo Somaliland ku jirto, taasoo ay ugu wayn tahay danaha ay ku leeyihiin wadamada Jabuuti iyo Ethiopia, sidaa awgeed wax walba maanta waxay ka hor marinayaan xaslashada arrimaha nabad gelyada iyo cidday ku halayn lahaayee.

Sababahaas iyo kuwo kaleba markay eegaan inuu Somaliland yimaaddo nidaam ka adag nadab gelyada gudaha dala iyo xuduudihiisaba.

Sidaasi darted iyagoo aan jeclayn cidda aan warkooda u dhegaha nuglayn, iyo cidda ay u aqoonsadaan inuu yahay mid waddani (Nationalism) haddana waxaa la saadaalinayaa inaay si fiican isha ugu hayaan ulana dhacsan yihiin Kornayl Muuse Biixi, lagana yaabo in maalmaha u dambeeya wakhtiga Xukuumada Axmed Siilaanyo ay muujin doonaan taageerada iyo kalsoonida ay u hayan Kornayl Biixi, arrintaas oo dad badani aanay fillayn.

Balse xaajooyinkan iyo halka ay ku biyi shubtaan waxaynu u dhaafaynaa, qaderka Rabbi iyo maalmaha foodda inagu soo haya

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *