News

Hogaamiyaha Dabeecadda Adag Ee Xisbiga UCID Oo Dhadhamo-raac noqday Faallo

Byadmin

Sep 8, 2016

faysal-hhGuddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa toddobaadkii hore si lama filaan ah uga soo dhex-muuqday guddi Wasiirro ah oo Madaxweyne Siilaanyo u xil saaray wada-hadallada iyo dhammaystirka Heshiiskii  lagu dhaxal warreejinnaayay Dekedda berbera ee DP WORLD.

Xisbiga UCID oo tan iyo markii aasaaskiisa lagu dhawaaqay ahaa Xisbi mucaarid ah, isla markaanna laba jeer oo uu tartamay ku guuldaraystay innuu hello kalsoonidii Shacabka, ayaa dhacdooyinkaasi waxay dhaxal siiyeen Mushkuladdo badan oo Xisbiga UCID ilaa maanta xal u waayay, kuwaasoo ay ugu mihiimsan tahay dhaqaale-xumo soo waajah-day oo Xisbigaasi la kacaa-kufaayay dhawrkii Sannadood ee ugu dambeeyay.

faysalfay

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo inta badan bulshaddu u taqaano Shaqsi run sheeg badan, haddana waxa jira aragti middaas hore ka geddisan oo hogaamiyaha Xisbiga UCID ku tilmaamaysa inaanay runtiisa iyo Siyaasaddiisu ahayn mid meel loogu soo hagaaggo oo salka ku haysa Mabaaddii iyo aragti ku dhisan is-bedel Ummaddeed, waxaanna marar badan Faysal Cali Waraabe hadalladiisa laga dheehan karraa nuxur ahaan “Beerka jecli,xaydha jecli”! khuburrada sida wayn ula socda arrimaha siyaasadda Somaliland waxay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku sifeeyaan Nin aan aragti fog lahayn, himilladiisuna aanay gaadh-siisnay innuu Mar uun Madaxweyne ka noqdo Somaliland, inkastoo uu muddo dheer hogaaminnaayay Xisbi mucaarid, waxaannay u arkaan arrinta Faysal gaysay magaalada Dubia ee isu-tagga imaaraadka carabta inay la xidhiidho dhaqaale raadis, maaddaama oo uu Xisbiga UCID Dacwaddi kaga furan tahay Maxkamadda Distooriga ah, waanna sababta loo aannaynaayo in Faysal Cali Waraabe isugu dhiibay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ka Xodxodannaayo dhaqaale yar oo ku galo Doorashooyinka foodda innagu soo haya ee 2017-ka.

fayfayBulshadda ku dhaqan Caasimadda Hargeisa, ayaa iyagunna dhankoodda aad u hadal hayay kulankii uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ka soo dhex muuqday ee Xubnaha Wasiiraddii ka socday Xukuumadda Siilaanyo ku dhaxal-wareejinnayeen Marsadda caalamiga ah ee Berbera, taasoo muujinaysa in Guddoomiye Faysal uu qayb ka ahaa Qorshihii Wasiirrada dillaaliinta ahi  wateen ee lagu wareejinnaayay Dekedda Somaliland ee berbera, waxaannay dadku dib u xasuusteen hadalladii uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku duri jirey Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI oo had iyo goor ku tilmaami jirey inay yihiin Xisbiyo la shaqaysta Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ha-yeeshee waxa caddaatay oo muuqatay in Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe uu noqday Dhadhamo raac, isla markaanna uu Xukuumadda Siilaanyo Shuraako kula yahay arrimaha la xidhiidha Macaash-doonka iyo Markhaati furka deg degga ah ee uu la hareer taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa ay bulshadda Somaliland ku xasuusan doontaa Mashruuca dhagaraysan ee uu kala qayb-galay Kooxda yar ee ku bahoobay Fadhataysiga, boobka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka iyo Ilaha dhaqaalaha ee Somaliland.

 

Haldoornews.com

haldoornews@yahoo.com

xigasho:hadhwanaag

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *