News

Dacwada Maayarka Gabiley iyo Gudida Masaajidka Nuur oo Madaxtooyada  Loo gudbiyay iyo Maayarka oo ku Adkaysanaya in uu Kaalin ka Dhiso Barxada Masaajidka.

Byadmin

Sep 8, 2016

 

Hargiesa (Haldoornews)- Gudida Masaajidka Nuur ee Magaalada Hargeisa ayaa Saaka Madaxtooyada u gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Kaalin Shidaal oo Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar ka Dhisanayo Masaajidka Hortiisa,isla markaa  Codsaday in la joojiyo Dhismaha Kaalintaasi. Culimaa,udiinka Masaajidka ayaa Dhawr Jeer Maayarka ka Dalbaday in uu parking Masaajidka udaayo oo meel kale Dawlada Waydiisto haddii uu Meherad Ganacsi ka Dhisanayo Balse aanu Masaajidka ku Cidhiidhyin  Barxada hore ee ay Dadka ku Cibaadaysanayaa Baabuurta dhigtaan , balse ma ay suuro galin illaa hadda inuu Aqbalo Codsiga Gudida Masaajidka.

Ma jiro illaa Hadda wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo ka hadlaya Arinta Khilaafka Barxada Masaajidka balse ilo ku dhaw Gudida Masaajidka oo Haldoornews la xidhiidhay ayaa Sheegay in Gudidu Rajo ka qabto in Xukuumadu Aqbasho Codsiga Gudida isla markaana Maayarka Gabiley meel kale laga Siiyo Dhulka uu Doonayo inuu kaalinta Shidaalka ka Dhisto.

maayarka

Haldoornews Hargeisa

haldoornews@yahoo.com

 

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *