News

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka Somalia oo maanta la filayo inuu Muqdisho ka dhaco

Byadmin

Sep 5, 2016

shir muqdishoMuqdisho(Haldoornews)-Shirka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa maanta la filayaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo horay loogu balansanaa 7-da bishan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya  in shirka loo soo hormariyay shir madaxeedka IGAD oo 10-ka bishan ka dhici doonaan magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee looga hadli doono arrimaha Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan dalka ka dhici doonaan.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in gelinka hore ee maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si shirka u furmo gelinka dambe.

Waxaa lagu wadaa in Shirka uu socdo muddo labo maalmood, iyadoo suura gal tahay in waqtiga dheeraado, maadaama ajandayaasha shirka looga hadlayo ay yihiin kuwo adag.

Go’aanadii bishii la soo dhaafay laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga ayaa keenay in laga soo hor-jeedo, waxaana la filayaa in shirkan lagu saxo qodobadii.

 Haldoornews.com
Email:Haldoornews@yahoo.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *