News

HESHIISKII NIJAASOOBAY IGA DAA,Kuwan Ina Cali Waraabe ku xaragoonayaa ee uu ka midka yahay cidda ka shakiday wax bay ogaayeen oo war iga dhinaa bay hayeen”Cali Gurey

Byadmin

Sep 5, 2016

cali gurayHESHIISKII NIJAASOOBAY IGA DAA
Kuwan Ina Cali Waraabe ku xaragoonayaa ee uu ka midka yahay cidda ka shakiday wax bay ogaayeen oo war iga dhinaa bay hayeen iyo in aan dan qaranba loo jeedine koox iyagu wada danaysanaya oo qofba qurub meel ugu qarsoon yahay uun la ahaa.Caawa ayuun baan wax fahmay oo Ina Cali Waraabihii quruskiisu maqnaa wuu degdegay eh meel buu u sii yaalay. Durtaba ma Marxaladii aan sii sheegay ee fulinta iyo qaataye qaado ayaa bilaabantay? Waa ayo cidda ii sheegi karta waxa aan qudhun huursan ahayn ee Faysal weftigan uga midka yahay? Yaa igu odhan kara waa wanaag? Yaa igu odhan kara waftiga Faysal oo sidii cawl gooni joog ah keligii gaaf wareegaya oo cid walba nacday kuwa jecel inu ka mid noqdo ee ka maarmi waayay ayaan dilaaliin is urursatay ahayn? Hadii aanay ahayn oo aan Ilaa Xasan Sheekhii uu sheegayay sidii ilko dameeraad hoosta laga wada taxnayn bal Sacad Cali Shire baahida uu Faysal u qabo iyo wanaaga uu kula dhex jiro ha inoo sheego

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *