News

Heshiiskii Kama danbaysta ahaa ee Dekada Berbera Lagu Wareejinayay oo Barri Qalinka lagu Duugayo iyo Masuuliyiinta Goobjooga u ah Xaqul Qalinka.

Byadmin

Sep 5, 2016

eeeWasiirka wasaarada qorsheynta Somaliland Muddane Cali Shoonbe oo maanta warbaahinta kula hadley magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskii ugu danbeeyey ee ay xukuumadu ku wareejineyso dekada magaalada Berbera maalinta Bari ah qalinka lagu duugi doono.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu sheegay in kulan hordhac ay maanta gudida arimaha dekada Berbera ay la sii yeesheen gudoomiyaha Shirkada DP World .

Hadaba kulankaasi maanta ayaa waxaa ka soo dhex muuqdey wajiyada laba siyaasi oo aan ka mid aheyn gudida arimaha dekada Berbera oo kala ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici , Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaana dadku su,aalaha iska weydiiyeen sababta ay labadan shaqasi gudida ugu raceen kulankii ay la laheeyn gudoomiyaha Shirada Dp World .

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *