Aragtida Dadweynaha

FITNADII LOO SAMEYSTAY BURBURINTA MIDNIMADA BULSHADA DEGTA KONFURTA!, BADHTAMAHA , IYO BARIGA GOBOLKA MAROODI-JEEX.

Byadmin

Sep 1, 2016

maqaalFITNADII LOO SAMEYSTAY BURBURINTA MIDNIMADA BULSHADA DEGTA KONFURTA!, BADHTAMAHA , IYO BARIGA GOBOLKA MAROODI-JEEX. AYAA SOO QAADAY DUULAAN IYO DAMBAABIDHADII UGA DAMBEYSAY EE DAMEERKII DHIMANAYEY.

Isbahaysiga xukuumada iyo Faysal Cali Waraabe ee loo sameystay hagardaameynta

Bulshada Daud Ismaaciil ayaa markay ku fashilmeen  qorshahoodii hore ee godobeysna

ayaa mar kale, si aargoodsad ku ladhanyahay, usoo laba-kac-leeyey. Waxay wadaan

dambaabidhadii ugu xooganeyd ee uu ku caanbaxay dameerkii dhimanayey. Haddii markan-na, sidii looga bartay, bulshada degaanku fashiliso dhaqdhaqaaqyadooda, waxa hubaal ah inay godkoodii aakhiro ku daadan doonaan, camuudana, si fiican,loogu rogi doono.

 

Qorshahooda dhegareysani, sida fariimahoodu iyo ficiladoodu muujinayaan, waxay duulaan ku yihiin:

 

  1. Qofkasta iyo ha’yad kasta oo deegaanka ka tirsan oo ay ku tuhmeen inay ka-biyo- diideen fikirkooda madhaleyska ah ee siyaasadeysan haddana kulmiyeysan ee shakhsi u adeegaya,  iyagoo isticmaalaya hadidaad, cagajugleyn iyo awoodo kale oo xafiis xukuumadeed oo sharciga iyo nidaamka xukuumadeed ka baxsan oo ku xasuusineya

cahdigii diktaatoorkii Siyaad Barre.

 

  1. Waxay farogelin qaawan oo joogta ah ku hayaan, hanti badan oo meesha laga soo qaado macruuf tahayna ,ku bixiyaan inay isku- dhuftaan xubnaha guddiyada u adeegaya bulshada deegaanka sida GUDDIDA GUUD ee SAHAN BARWAAQO,GUDDIDA MASHRUUCA DHISMAHA WADADA CAD iyo guddiyaal kale oo ka tirsan jifooyinka reerka. Himiladoodu waa inay burburiyaan guddiyadaas.

 

  1. Waxay, si badheedh ah ku soo duuleen dhulkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland siiyey Guddida Mashruuca Dhismaha Wadada Cad, iyagoo musdambeedka u fadhiya dad la soo abaabuley, oo dhulka ku mamay ,lana soo siiyey waraaqo foojari ah. Hadda xaq daradaas waxa loo adeegsanaya xafiis xukuumadeed.Ujeedada laga leeyahyna waxay tahay in la curyaamiyo qorshaha u socda qaybtii sadexaad ee mashruuca dhismaha Wadada Cad oo la filayey in dhowaan la bilaabo.

 

 

4.Waxay shaqada ka wareejiyeen, ilaa toban dhalinyaro ah oo shaqaale ka kala ahaa dawlada hoose iyo ta sareba oo qarkood dhawaan usoo bandhigeen cabashadoodii warbaahinta.

 

  1. Waxay kaloo wadaan brobagaandho magac dil ah, oo la mid ah ka dadka deydeyka ahi

isticmaalaan oo ku wajahan haldoorkii bulshada deegaanka oo meelna haysan.

 

  1. Waxay isku dayeen, balse ilaa hadda ku guul dareysteen, inay balanqaadyo been

ah kusoo jiitaan dad magac ku leh bulshada, iyagoo u carab- baabay manaasib xukuumadeed, laaluush lacageed oo badan iyo gawaadhi laan- kruusyo ah oo la

siiyo. Balanqaadyadaas hora beentooda looga bartay. Sababtaas awgeedna dhego

looma jalaqsiin.

 

  1. Waxay ciqaab uga dhigeen madax-dhaqameedkii deegaanka ka soo jeeday ee ka qayb galay shirweynihii Tolwanaaje ee Garxajis inay ka xayiraan gunooyonkoodii bilaha ahaa ee xaqa u lahaayeen, iyagoo bahdelaya.

 

Nasiib darada ugu weyni ee Somaliland hadda haysata waxay tahay, iyadoo aanay

jirin meel aad kaga dacwooto wasiir ama  masuul kale oo xukumadeed oo bulshada ku xadgudbaya,kuna isticmaalaya magaca xukuumada  awoodo sharciga baalmarsan

oo aanu xaq u lahayn. Waa Isla sababtaas ta keentay in masuul kasta ku dhiirado inuu

hantida qaranka boobo, cidna wax iska weydiin dulmigaas. WAA XUKUUMAD AFRIKAAN AH OO LIIQ-CASAR TAAGAN OO SII DHACEYSA IYO CAADADEED !!!!!!!!! RABBOW NOO SAHAL.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *