News

Tahriibayaal Kumanaan ah oo ay Badbaadiyeen Ciidamada Talyaaniga +Daawo sawiro

Byadmin

Aug 30, 2016

teri_10Maraakiibta Dowlada Talyaaniga ayaa xeebaha u dhaxeeya Wadamada Liibiya iyo Talyaaniga waxa ay ka badbaadiyeen Kumanaan qof oo Thariibayaal ah una badnaa dad kasoo jeeda Wadamada Ereteria iyo Soomaaliya.

Hay’adda ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maalintii shalay ciidamada Badda dalka Talyanaiga soo bad baadiyeen Tahriibayaal gaaraya 6500 oo qof, dadka lasoo bad baadiyay ayaa qarakood saarnaa doonyo ciladoobay.

Howlgalo ay ciidamada Badda Talyaaniga sameeyeen ayaa lagu soo bad baadiyay Kumanaan dad ah ay ku jiraan caruur aad u yar yar iyo haween, waxaana dadkan ay kusii jeedeen qaarada Yurub gar ahaan wadanka Talyanaiga oo marin usii ah.

Dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in sanadkan kaliya ay gaareen dad gaaraya 112 000 kun oo qof oo badankood ay ka galeen dhinaca badda dalka Liibiya, waxaa sidoo kale badda ku dhintay kumanaan kale oo oonayay in ay gaaraan Qaarada Yurub.

teri_1 teri_7 teri_2 teri_4

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *