News

Faahfaahinta qaraxii SYL iyo Khasaaraha Dhimashada oo ilaa imika 7 qof maraysa dhaawac Tiro Badan iyo Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo ka Hadlay+Dhegayso.

Byadmin

Aug 30, 2016

maareeyeMuqdisho(Haldoornews)-Qarax aad u xoog badnaa loona adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaada oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurnimadii maanta lagu weeararay dhismaha hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Hotelka Qaraxa lagu weeraray ayaa xiligaasi waxaa ku sugnaa masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, waxaana hotelka ka socday shir arimaha amaanka looga hadlayay .

Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro ka mid ah Xukuumada Somalia oo ku sugnaa Dhismaha Hotelka SYL ayaa lasoo sheegayaa in ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxaasi ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka SYL.

In ka badan 7-qof oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa ku dhintay qaraxa xoogan ee ka dhacay dhabarka Hotelka SYL sidoo kale ah albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana qaraxan ku dhaawacmay dad ka badan 20-qof.

Warar oo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo u badnaa firir iyo sidoo kale bur burka miyaaradaha Hotelka ku jiray.

Dadka waxyeeladu soo gaartay waxaa sidoo kale kamid ah Wariyaal kusugnaa gudaha Hotelka SYL , waxaana dhaawacyada wariyaashan soo gaaray iyaguna la sheegay in ay yihiin kuwa fudud oon sidaa u xoog badneen.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo kamid ahaa Masuuliyiintii Hotelka joogtay ayaa sheegay in Wasiiro, Xildhibaano iyo Wariyaal Hotelka joogay ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo u badan firir.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan xoogan ee maanta lagu qaaday Hotelka SYL, waxa ayna Al-Shabaab sheegeen in qaraxaasi ay waxyeelo ku gaarsiiyen ciidamo iyo Masuuliyiin katirsan dowlada .

Dhegayso Hadaladii wasiirka

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *