Frankfort (Haldoornews)- Meherka Cabdikariim Cismaan Yuusuf “Sheekhaawi” iyo Marwadiisa Sagal Xassan Muuse,oo shalay ka Dhacay Dalka Canada ayaa kulmiyay Dhalinyaradii Ciyaartoyga Somaliland oo ku kulmay Munaasabad Shalay ka Dhacday Dalka Jarmalka.
Cabdikariim Cismaan Yuusuf “Sheekhaawi” oo ka mid ahaa Ciyaartoyadii ugu Wanaagsanaa ee Gobolka Maroodi jeex soo mara oo hadda ku Sugan Wadanka Germany ayaa shalay Munaasabad Qado Sharaf ah loogu Sameeyay Magaalada Frankfort Ka dib markii Meherkiisu ka dhacay Magaalada Winnipeg, ee wadanka Canada
Waxaana madashaasi ka Dhex Muuqday Laacibiintii Waawaynaa ee Ciyaaraha Somaliland oo ay Mudooyin hore isugu Danbaysay inay Kulmaan Waxaanay halkaasi Hambalyo iyo Bogaadin uga Direen Qoyska Cabdikariim Cismaan Yuusuf “Sheekhaawi” iyo Marwadiisa Sagal Xassan Muuse, oo Meherkoodu ka dhacay Magaalada Winnipeg, ee wadanka Canada, Waxaanu illaahay Ha idin Barakeeyo, Ubad khayr qabana Ha idin kala Siiyo…. Aamiin.
Kala soco Muuqaalka Haldoornews.com oo wararka Danbe idiinku soo gudbin doonta.
Mustafe Future
Haldoornews.com
Frankfort Germany