|
|||||
Haldoornews.com
Xisbiga Kulmiye Laantiisa Germany oo Tartan Ciyaareed Xiiso badan usameeyay Dhalinyarada Somaliland ee Wadanka Germany ku Dhaqan.
August 6, 2016 - Written by adminKassel (Haldoornews)-Laanta Xisbiga Kulmiye ee Dalka Jarmalka ayaa Maanta Tartan Ciyaareed aad uxiiso badan ku Qabatay Magaalada Kassel ee Dalka Jarmalka. Tartankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Kooxaha Dhalinyarada Reer Somaliland ee Kubadda Cagta iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Laanta Wadanka Jarmalka, Waxaana Halkaasi lagu soo Gabogabeeyay Wareeg Ciyaareed aad uxiiso badnaa oo ay ku Tartamayeen Shan Kooxood oo aad u Ciyaar Wanaagsanaa, Waxaana Guusha Raacday Kooxda Super Stars ee Magaalada Kassel , Waxaana halkaasi Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Dalka Jarmalka oo isku Duuban ku Gudoonsiiyeen Koobkii iyo Biladihii loogu Talo galay Ciyaar wanaaga iyo Shaqsiyaadka ugu Goolal dhalinta Badan. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laanta Wadanka Germany Mudane Aadan Cabdi Aleeli iyo ku Xigeenkiisa Sharmaake Qolombi ayaa Dhalinyaradaha Halkaasi kala hadlay kuna dhiiri galiyay in ay Dhalinyaradu Tahay Mustaqbalkii Wadanka isla markaana ay Naftooda ka Badbaadiyaan Balwadaha sidoo kalena uga Mahadnaqay sidii Diiranayd ee ay uga qayb qaateen Koobkan Xisbiga kulmiye ku Dhiiri galinayo Dhalinyarada Qurbajoogta ah oo kaalin wayn ku Leh Xisbiga kulmiye. La soco Warbixintan oo Muuqaalka ah Goor dhaw
Haldoornews.com
COMMENTS
|
Arimaha Diinta
|