Haldoornews.com
Xulka Qaranka Koobka Aduunka Haysta Ee Germany Oo U Soo Baxay Afar Dhamaadka Euro 2016, Xili Xulka Qaranka Italy Rekoodhayaal Lagu Reebay
July 3, 2016 - Written by admin

 

Xulka qaranka Germany ayaa inkaartii ka haysatay Talyaaniga ka soo gudbay waxayna u soo baxeen afar dhamaadka Euro 2016 kadib markii ay rekoodhayaal 6:5 ah ay ku garaaceen xulka qaranka Antonio Conte. Kulan laysla daalay oo 120 daqiiqo lagu kala bixi waayay ayaa sidoo kale waqti badan qaatay in rekoodhayaasha lagu kala baxo.Jonas Hector ayaa Germany udhaliyay rekoodhaha ay guusha ku gaadheen ee ay ugu soo baxeen afar dhamaadka.

1467487506994_lc_galleryImage_Germany_s_midfielder_Bast 1467491372317_lc_galleryImage_Football_Soccer_Germany_v 1467491394484_lc_galleryImage_Football_Soccer_Germany_v 1467492181222_lc_galleryImage_Germany_s_Mario_Gomez_cen 1467492667747_lc_galleryImage_Italy_s_Giorgio_Chiellini 1467492675324_lc_galleryImage_Football_Soccer_Germany_v 1467493409396_lc_galleryImage_Germany_s_Mesut_Ozil_cele 1467493884168_lc_galleryImage_epa05404480_Thomas_Muelle 1467493972313_lc_galleryImage_Referee_Viktor_Kassai_sho 1467494243860_lc_galleryImage_Football_Soccer_Germany_v 1467494571751_lc_galleryImage_Germany_coach_Joachim_Loe

Kulanka ugu adkaa sideed dhaamaadka tartanka qaramada Yurub ayaa dhex maray xulalka qaramada Yurub ugu awooda badan ee Germany iyo Itlay. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany ayaa shantii tartan ee ugu waa waynaa ee ay ka soo qayb galeen waxay soo wada gaadheen ugu yaraan afar dhamaadka waxayna kala ahaayeen koobabkii aduunka ee 2006,2010 iyo 2014 kii ay Brazil ku qaadeen waxayna sidoo kale afar dhamaadka soo gaadheen Euro 2018 iyo Euro 2012.

Laakiin Germany ayaa maanka ku haysay rekoodh aadka u xun ee ka haystay Italy oo sanadkii 2012 kii afar dhamaadkii Euro 2012 kii ka ku reeebtay waxayna doonayeen in ay kulankan ka aarsadaan xulka qaranka Talyaaniga oo tartanka Euro 2016 wacdaro cajiib ah ku soo badhigay.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

Germany (3-4-1-2): Neuer; Howedes, Hummels, Boateng; Kimmich, Khedira, Kroos, Hector; Ozil; Gomez, Muller.

Kaydka:Mustafi, Schweinsteiger, Schurrle, Podolski, Draxler, Leno, Can, Weigl, Tah, Gotze, Sane, Ter Stegen.

Italy (3-5-2): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Florenzi, Parolo, Sturaro, Giaccherini, De Sciglio; Pelle, Eder.

Kaydka: Darmian, Ogbonna, Candreva, Zaza, Immobile, Sirigu, Marchetti, De Rossi, Insigne, Bernardeschi, El Shaarawy.

Kulankan oo ahaa mid si wayn loo sugayay ayaa haddana qaybta hore noqday mid lagu caajisay oo ay labada xul qaran kala cabsanayeen, waxaana inta badan laysku haystay khadka dhexe. Qorshaha ciyaareed ee Germany iyo Italy ayaa si wayn u kala duwanaa. Germany ayaa ahayd xulka inta ugu badan kubbada iyo boosishanka iska haystay halka Italy uu qorshahoodu ahaa in ay difaacdaan isla markaana ay weerar deg deg ah gool ku raadiyaan.

Daqiiqadii 16 aad xulka qaranka Germany ayaa lagu qasbay in ay badal xili hore ah sameeyaan kadib markii uu Sami Khedira awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato kadib markii uu dhawac soo gaadhay. Khedira ayaa 15 daqiiqo oo kaliya kulankan ka ciyaaray inkasta oo daawayn loo sameeyay oo uu garoonka ku soo laabtay waxa uu haddana dalbaday in labadalo, waxaana booskiisa lagu soo badalay Bastian Schweinsteiger.

Ciyaarta ayaa noqotay mid adag oo ay adkaatay in fursad gool lagu dhalin karo la abuuro waxayna Italy u muuqatay in ay xadideen awooda weerarka Germany iyaga oo sidoo kale weerar rogaal celis deg deg ah mararka qaar dhibaato ugu abuurayay difaaca Germany. Laakiin xaqiiqdii qaybta hore muu jirin hal fursad oo si dhab ah ay Buffon ama Neuer u badbaadiyeen. Kubbadaha u tagayay Buffon iyo Neuer ayaa inta badan ahaa kuwo aan halis badan lahayn.

Dhamaadkii qaybta hore ciyaarta ayaa woxogaa yeelatay xamaasad iyo dhiiranaan weerarka ah Muller ayaana fursad fiican ku hor helay goolka Italy laakiin darbo liidata oo uu sameeyay ayuu Buffon si sahlan u qabsaday sidoo kale daqiiqadii 42 aad Italy ayaa markeeda heshay fursadeedii ugu fiicnayd waxaana kubbad fiican helay  Sturaro laakiin darbo fiican oo uu goolka ku tuurayay ayuu difaacu koorne u saaray. Si kastaba ha ahaatee, qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamatay barbaro gool la’aan ah, waxaana lays waydiinayay haddii ay qaybta danbe xamaasad yeelan doonto.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta labada tababare ayaan samayn wax isbadal ah waxayna ciyaarta kula soo laabteen isla ciyaartoydii qaybta hore ciyaaraysay. Germany ayaa markan xamaasad fiican ciyaarta la soo gashay waxayna bilaabeen in ay weeraro xidhiidh ah ku qaadaan difaaca iyo goolka Talyaaniga basle ragga Antonio Conte ayaa jilibka u aastay weerarka Germany waxayna si fiican iskaga ilaaliyeen halista Germany.

DAQIIQADII 54 aad, Germany ayaa helay fursad laysku sare taagay isla markaana loo qaatay goolkii furitaanka ee kulankan kadib markii uu Thomas Muller uu helay fursad cajiib ah isaga oo darbo fiican ka dhex tuuray xerada ganaaxa Italay laakiin waxaa cajiib iyo u qaadan waa noqotay qaabka quruxda badan isla markaana cajiibka ahaa ee uu goolkan cadaanka ah ku badbaadiyay  Florenzi kaas oo qaab aduunka ka yaabiyay goolkan ku badbaadiyay.

Florenzi ayaa kubbada oo goolkiisa sii galaysa si cajiib ah u soo booday wuxuuna isaga oo isrogaya uu kubbada iskaga saaray dibada si uu xulka qarankiisa uga badbaadiyo gool cadaan ahaa, Siduu qaabkan ku sameeyay!?. wixii kulankan laga filayay ayaa markan bilawday waxayna ciyaartu noqotay kulankii laga filan karayay Germany iyo Italy.

DAQIIQADII 65 AAD GOOOOOL GOOOOOL!  Xaqiiqdii wuu soo socday ugu danbayna wixii la filayay ayaa yimid, xulka qaranka Germany oo dhul gariir ku bilaabay difaaca Italy ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii waqtiga dheer soo jiray, waxaana albaabka gool dhalinta ee xidhnaa furay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Germany hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Mario Gomez ayaa shaqo fiican dhinaca bidix ka soo qabtay waxaana dadaalka sii xoojiyay  Hector kaas oo kubbad ku soo dhex tuuray xerada ganaaxa Talyaaniga, inkasta oo ay difaacyo badani joogeen haddana Ozil ayaa si fiican kubbada uga dhex qaatay difaaca Italy wuxuuna markiiba dhamaystiray kubbad u dhexaysay difaacyda Itlay.

DAQIIQADII 67 aad Germany ayaa ku si wayn ugu dhawaaday in ay helaan goolka labaad ee kalsoonida kadib markii Uu Mario  Gomez si layaableh  uga baxay dabinka offside-ka wuxuuna cidhib ku dhalin gaadhay goolka labaad laakiin qaabka uu Gomez sameeyay oo cajiib ahaa waxaa ka yaabsaday goolhaye Buffon oo muujiyay in uu wali yahay goolhaye heer caalami ah oo tayo ay ku dhantahay wuxuuna sameeyay badbaadin aan la rumaysan karin.

 

Xulka qaranka Talayaaniga ayaa markan bilaabay in ay difaaca iskaga soo baxaan isla markaana waxay isku dayayeen sidii ay qayrkood wax ula qaybsan lahaayeen isla markaana ay iskaga soo celin lahaayeen goolka looga naxsaday. Ciyaarta ayaa noqotay mid furan oo hadda si fiican loo dareemi karo in ay Germany iyo Italy ciyaarayaan.

 

DAQIIQADII 77 AAD Boateng ayaa sameeyay qalad aan cudur daar lahayn oo doqoniimo ah kadib markii uu gacmihiisa si sare u wada taagay isaga oo la boodayay ciyaartoyda Talyaaniga oo xerada ganaaxa Germany kubbada ku baacsanayay, kubbada ayaana ku dhacday gacanta Boateng, taas oo garsooraha u diiday wax kala doorasho ah wuxuuna dhigay gool ku laad.

 

DAQIIQADII 77 AAD. GOOOOOL.GOOOOL! Waxaa kubbada isku soo taagay difaaca Bonucci kaas oo Manuel Neuer u diiday in uu sameeyo wax badbadin ah wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah. Inkasta oo uu Neuer si fiican kubbada u qiyaasay dhinaca ay marayso haddana xawaaraha ay ku socotay ayaan u suurtogal in uu wax badbaadin ah sameeyo. Ciyaarta ayaa dib u bilaabantay waxkastaaba waxay noqdeen kuwo aan la saadin karin.

 

Ruuxda iyo quluubta Talyaaniga ayaa markiiba soo noolaatay waxayna Itlay bilawday in ay markeeda raadiso goolka labaad. Waxaa markiiba la bilaabay in lagu maadsado difaaca Germany ee Boateng iyada oo laga yaabay qaabka xun ee uu gacmihiisa u maamuli waayay isaga oo xerada ganaaxa xulka qarankiisa ku jiray.

 

Si kastaba ha ahaatee, sidii kulamadii hore ee Poland vs Portugal iyo Wales vs Belgium, waxay labada xul qaran ee Germany iyo Italy ku kala bixi waayeen 90 kii daqiiqo ee waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta waxaana ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah. Laakiin su’aasha ugu wayn ayaa ahayd, sidii Poland iyo Belgium oo goolal ku hor maray isla markaana tartanka ka hadhay miyay Germany wadadii mari doontaa mise wax ayaa isbadali doona?.

 

WAQTIGII DHEERIGA AHAA:

 Sida layska filan karo waqtiga dheeriga ah labada xul qaran ayaa si wayn taxadar uga muujinayay difaaca iyaga oo si gaabis ah weerarka u tagayay. Waxayna sidoo kale diirada ku hayeen in gool ku laad lagu kala bixi doono haddii ay waqtiga dheeriga ah goolal dhalin waayaan.

Wax badan oo lagaga hadlo may lahayn 15 kii daqiiqo ee ugu horeeyay waqtiga dheeriga ah waxaana aad u batay qaladaadka ay labada ciyaartoy ee Germany iyo Italy galayeen, waxayna 15 daqiiqo u jireen in ay ku kala baxaan haddii kale waxaa soo dhawaanayay in rekoodhayaal lagu kala baxo.

Germany ayaa bilawday in ay markale dardar fiican iska raadiso isla markaana ay kubbada inta ugu badan haysato  halka Italy ay inta ugu badan ku mashquulsanaayeen difaacasho. Laakiin daqiiqadii 112 aad  Insigne ayaa kala jeediyay Boateng laakiin darbo uu goolka ku tuuray ayuu Neuer si sahlan u qabsaday. Ugu danbayn 120 kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay babraro 1:1 ah waana natiijo la mid ah kulamadii hore ee sideed dhamaadka waxaana sidii caadada noqotay laysla gaadhay rekoodhayaal.

NATIIJADII REKOODHAYAASHA:

Markale waxaaba adkaatay in rekoodhayaasha lagu kala baxo waxayna  noqotay musalsal rekoodhe tuurasho ah iyo wadnaxanuun aan la rumaysan karin. Giraanta guuldarada ayaa marba dhinac jirtay laakiin ugu danbayn Germany ayaa ku soo baxday Germany 6-5 Italy kadib markii Matteo Darmian uu goolhaye Neuer rekoodhihiidhiisa ka badbaadiyay isla markaana uu Jonas Hector Germany udhaliyay rekoodhaha ay ugu soo baxeen afar dhamaadka Euro 2016 isla markaana ay daaqada kaga tuureen Italy.

Markii ay min shanta rekoodhe ee ugu horeeyay dhamaadeen Germany ayaa haystay fursad ay guul ku gadhi karo laaliin Bastian Schweinsteiger ayaa kubbada taaraboonka ku toogtay , waxaana ka horeeyay Graziano Pelle oo kubbada birta garab mariyay. Mesut Ozil, Simone Zaza, Thomas Muller ayaa dhamaantood ku wada fashilmay rekoodhe tuurista. Germany ayaa safar dhamaadka ku sugi doonta France ama Iceland midii habeen danbe soo baxa.

 

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Arimaha Diinta