News

Sir Culus: Madaxwaynaha Kililka 5-aad ee Itoobiya oo Kashifay Socdaalkii Wasiir Cali Warancadde iyo Waftigiisa ee aan Jihaysnayn.

Byadmin

Mar 15, 2016

 

Jigjiga (Haldoornews)-Madaxwaynaha Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ayaa Farta ugu Yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlada Somaliland Cali Warancade, kaasi oo  Sheegay inuu la Qaatay Kullan Waxyeelo ku Ah Qadiyada Somaliland, Faro galin qaawana ku ah  Siyaasada Madaxwayne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa.

Madaxwayne Cabdi Iley ayaa Sheegay inuu Dhexdhexaadinayo Maamul ku Sheega Khaatumo iyo Xukuumada Somaliland isaga oo Si Cad ula Saftay Maamulka ka Falaagoobay Somaliland Qaab Qabyaaladaysana utaageeraya.

Cabdi iley oo Arintaasi kusoo Qoray Boggiisa uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxaa ka mid ahaa Hadaladiisii “Baaq nabadeed oo aan u dirnay somaliland bishii aynu soo dhaafnay ee Yekatit (february) baaqaas oo ku wajahnaa Colaada ka soo cusboonaatay deegaanada Sool,sanaag & Cayn ayaa si degdeg ah ay somaliland baaqaas uga soo jawaabtay waxaana Shalay 5 Magaabit 2008 Tirsiga Ethiopian Calendar Kuna beegan 14.March.2016 ee Tirsiga Reer Galbeedka soo gaadhay Xarunta DDSI Ee Magaalada JIGJIGA Wefti balaadhan Oo uu hogaaminayo Waziirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali mohamed Warancade Waxaanan Ugu Horeyn Uga mahad-celinay sida Wanaagsan ee ay baaqanagii ay isaga xilsaareen ugana soo jawaabeen hadaba safarka masuuliyiintu muhiimada ugu weyn ee uu daarnaa waa Arimaha Colaadeed Ee maamulada khaatumo iyo somaliland ka dhex aloosan waan waan nabadeed loogu soo afjari lahaa waxaanan filaynaa maalmaha inagu soo aadan inay Odayaal dhaqameedka DDSI ay gaadhi doonaan magaalooyinka BUUHOODLE & LAASCAANOOD Si Ay ula kulmaan Odayaasha dhigooda ah iyo siyaasiyiinta khaatumo

Waxaan wada hadalka u saarnay gudiyo ka kooban Madax-dhaqameed,Culimo Awdiin,siyaasiyiin iyo Xeel dheerayaal ka soo jeeda DDSI Oo labada dhanba ku kalsoon yihiin

Waxaan wada hadalka Anaga iyo Somaliland isla soo hadal qaadnay ka mid ah sidii caadada noo ahayd Isku socodka labada deegaan Dhinaca amniga dhaqaalaha iyo isu gudbinta Maxaabiista

weftigan oo eega ku sugan guryaha martida ee magaalada jigjiga ee loo yaqaan MARSIN GUEST HOUSE

waxaanay waftigani bilaw fiican u yihiin waftiyo iyo kulano intan ka balaadhan oo lagu ballansan yahay inay ka bilaabmaan xarunta deegaanka ee JIGJIGA” ayuu Yidhi Cabdi Maxamuud Cumar

Arintan ayaa Faro galin qaawan ku Ah Dastuurka Somaliland Ceebna ku ah Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo Si Toos ah ula Xidhiidhi karta Dawlada Federalka Itoobiya balse Wasiir Waran Cadde u hogaansamay Maamulka Kililka oo Taageero Qabyaaladeed umuujiya Xubno ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland

Haldoornews.com

Jigjiga DDS

1 2 3 5 6

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *