News

Gabiley oo laga laayahay Cid Isdiwaan Galisa+Xogo Laga Helayo Komishanka oo Sheegaya in Tiro aad u Hoosaysaa iska Diwaan Galisay.

Byadmin

Mar 15, 2016

gabileyGabiley -(Haldoornews)- Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Oo Maalintii Sabtidii Ka Bilaabantay Guud Ahaan Gobolka Gabiley Ayaa Xog-Hoose Oo Aanu Ka Helayno Ilo Ka Ag Dhaw Komishanka Doorashooyinka Qaranku Noo Sheegayaan In Tiro Aad U Liidata Ay Ilaa Imika Iska Diiwaan Galiyeen Mudada Sadexda Cisho Ah Ee Ay Diiwaangalintu Dhamaan Goobahaasi Ka Socotay .

Tirada Ay Xubnahaasi Komishanka Doorashooyinka Ka Ag Dhow Noo Xaqiijiyeen Ayaa Ah 12,500 Oo Qof Oo Kaliya Halka Ay Doorashadii Madaxtooyada Ee Sanadii 2010 Kii Oo Diiwaan Galin Lagu Galay Ay Ka Codeeyeen Tiro Ku Dhaw 100,000 Qof (Boqol Kun) Iyada Oo Imika Noqonaysa Tiro Aad U Liidata Oo Meesha Ka Saaraysa Hankii Ay Gabiley Ka Lahayd In Loo Ansixiyo Gobolnimada Ay Mudada Dheer Ay Ku Taamaysay Iyadoo Sidoo Kale Ay Ku Xidhantahay Xubnaha Ay Ka Helayso Aqalka Golaha Wakiilada Oo Ay Kolka Hore Saluug Badan Ka Qabeen Iyo Xubnaha Xukuumada Dhexe U Matalaya  .

Dhanka Kale Waxaa Ay Tani Cadayn U Noqonaysaa Qaababka Ay Gabiley U Wajahday Diiwaangalinta Oo Aanay Ka Muuqanin Dhamaan Wax Wacyigalin Bulsho Ah Oo Ay Dhaliisheeda Qaadanayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka , Xubnaha Baarlamaanka Ugu Jira Gabiley , Golaha Wasiirada Ee Ku Abtirsada Gabiley Iyo Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo , Maadaama Iyada Oo Diiwaan-Galintii Socoto Iskuuladii Sidii Caadiga Ahayd Loo Dhiganayo Dhamaan Ardayduna Ay Sidii Caadiga Ahayd Wax Barashada Ay Ku Jiraan Oo Wax Fasax Ah Aan La Siin Si Ay Uga Qayb Qaataan Diiwaangalinta Maadaama Oo Ay Yihiin Qaybta U Badan Ee Laga Sugayo In Ay Codeeyaan .

Sidoo Kale Tiradani Waxa Ay Meesha Ka Saaraysaa Dhamaanba Tartankii Xisbiyadu Ugu Jiray Magaalada Iyada Oo Hore U Ahaan jirtay Meelaha Ay Xisbiyadu Ku Kala Baxaan Marka Ay Xaqiiqdu Timaado .

Isku Soo Wada Duuboo Waxa Aan La Saadaalin Karin Sida Uu Xaalku Ku Danbayn Doono Iyada Oo Ay U Hadhay Afar Cisho Oo Kali Ahi Qaadashada Kaadhadhka Diiwaan Galinta Iyo Sida Ay Ula Tartami Doonto Gobolada Kale Ee Dhigeeda Ah

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *