Aragtida Dadweynaha

Hadimooyinka Qabyaaladaysan Ee Uu Xisbiga Mucaaridka Ee Wadani Ku Hayo Warbaahinta….W/Q Khaalid Bulshaawi.

Byadmin

Mar 14, 2016

Saaxada Siyaasada Somaliland Waa Mid Soo Martay Marxalado Kala Gadisan Tan Iyo Markii Ay Ay Somaliland Qaadatay Nidaamka Xisbiyada Iyo Tartanada Furan Waxa Jiray Ururo Iyo Xisbiyo Siyaasadeed Oo La Kowsaday Habdhaqano Iyo Nidaamyo U Gaar Ah Oo Isugu Jiray Kuwo Togan Iyo Mid Tabanba.Iyadoo Ay Sidaas Tahay Hadaba Hadii Aynu Soo Qaadano Shantii Sano Ee U Danbeeyey Ama Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Sanadkii 2012 Kii Waxay Suurta Galisay In Dalku Uu Yeesho Sadex Xisbi Qaran Oo U Tartama Doorashada Madaxtimo Ee Somaliland Kuwaas Oo Marka Laga Reebo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ay Labada Xisbiyee Kale Ee Kulmiye Iyo Ucid Ay Ahaayeen Kuwo Hore Ugu Soo Jiray Siyaasada Somaliland Oo Hore Tartano Madaxtinimo Usoo Wajahay.

Xisbiga Wadani Muxuu Kusoo Kordhiyey Saaxada Siyaasada Somaliland?

Tan Iyo Markii Uu Ururkii Wadani Isu Badalay Xisbi Qaran Kana Mid Noqday Sadexdii Xisbi Qaran Ee Usoo Baxay Inay U Tartamaan Doorashada Madaxtooyada Ee Ayaa Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Uu La Kowsaday Hanaan Firfircoon Hase Yeeshee Bulshada Somaliland Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyey Hanaanka Qabyaaladaysan Iyo Dublimaasiyada Beelaysan Ee Aasaaska Iyo Gundhiga U Ah Xisbiga Wadani.
Marka Laga Tago Bulshada Rayidka Ah Waxaa Jiray Siyaasiyiin Waawayn Oo Ka Mid Ahaa Aasaasayaashii Wadani Iyo Kuwo Markii Danbe Kusoo Biiray Oo Hadafkoodu Ahaa Inay Qayb Kanoqdaan Yagleelida Xisbi Qaran Oo Hirgalin kara Yoolka Iyo Hadafka Dalka Iyo Dadkaba Hase Ahaatee Markii Ay Soo Shaac-Baxday Nidaamka Huursan Ee Qabyaalada Ku Salaysan Ee Xisbigaas Waxa Bilaabantay Siyaasiyiin Miisaan Culus Oo Kamid Ahaa Xisbiga Wadani Inay Iska Casilaan Kuwaas Oo Dhamaantood Iscasilaadooda Ku Saleeyey Sinaansho La,aan Iyo Kala Sarayn Qabyaaladeed Oo Sababi Karta In Dadwaynaha Reer Somaliland Ay Ka Muquurtaan Guud Ahaanba Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani.
Ilaa Hadana Ma Muuqato Rajo Ah In Xisbiga Wadani Uu Ku Guulaystay Siyaasiyiin Sumcad Ku Leh Siyaasada Dalka Isla Markaana Isbadal Togan Dhalin Kara.Marka Laga Reebo Xubno Kooban Oo Aan U Sanbanaanyn Talooyinka Iyo Afkaaraha Xisbiga Dhibaato Qabyaaladeed Awgeed.

Hadimada Qabyaaladaysan Ee Uu Wadani Ku Hayo Warbaahinta:-
Sida Aanu Kasoo Xiganay Ilo U Dhuun Daloola Arimaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee Wadani Waa Xisbigii Siyaaadeed Ee U Horeeyey Ee Kulan Gaar AH Layeesha Wariyayaasha Iyo Xunbaha Warbaahinta Ee Beesha Gudoomiyaha Xisbiga Kuna Amray Inay Si Beelaysan U Buunbuuniyaan Wararka Iyo Barnaamijyada Xisbigaas Sidoo Kalana Usoo Jeediyey Inay Si Beelaysan U Garab Istaagaan Sidii Uu Xisbigi U Guulaysan Lahaa.
Sidoo Kale Waa Xisbigii U Horeeyey Ee Hirgaliya Saxafiyiin Iyo Wariyayaal Ku Hadla Afka Xisbigaas Kuwaas Oo Meel Kaga Dhacay Milgihii Iyo Mihnadii Warbaahinta Nidaamyo Iyo Hab Beelaysana Ugu Adeega Siyaasiyiintaas Damaca Leh……………..La Soco
Waa Qalinkii Khaalid Cabdi Muxumed (Bulshaawi)
Khaalid.bulshaawi@gmail.com
(063 4061487)

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *