News

Dagaal ka Dhex Dhashay Ciidamada Bada ee Somaliland iyo Djibouti oo Dhimasho iyo Dhaawac Keenay+Wararkii u Dambeeyey.

Byadmin

Mar 14, 2016

newsSalal(Haldoornews)-saaka abaaro 10 subaxnimo ayaa waxa ay ciidanka ilaalada xeebaha jabuuti weerar ku soo qaadeen markab dawlada masar iska leedahay oo ku jira biyaha somaliland, markabkan ayaa ahaa markab kaluumaysi oo ruqsad sharci ka haysta xukuumada somaliland, waxaana ay ciidanka ilaalada xeebaha jabuuti weerar ku soo qaadeen markabka oo ay saarnaayeen labada askari oo ka tirsan ciidanka xeebaha somaliland iyo wadaha markabka iyo caawiye wadaha ah. islamarkaana waxa ay ciidamada jabuuti dileen askari halka askariga kalena ay dhaawaceen. sidoo kalena waxa dhaawac isaguna ah wadaha markabka. sida ay ilo xogagaal ahi noogu warameen waxa wali socota xabada ay iswaydaarsanayaan labada ciidan. waxaana heegan buuxa wada galay dhamaan ciidamada xeebaha somaliland.

mar aan khadka teleefanka kula hadalnay badhaasabka gobolka selal islamarkaana wax ka waydiinay xaaladan, ayaa waxa uu noo sheegay in ay dawlada jabuuti ku dooday in biyahooda uu soo galay markabku kadibna ay soo weerareen markabka, waxaana labada askari ee saarnaa markabku ay rasaas ku fureen ciidamada xeebaha jabuuti, halkaas oo ciidamada jabuutina ay askariga ku dileen midna dhaawaceen. intaas kadibna askariga dhaawaca ah waxa loo qaaday dalka jabuuti si loogu soo daaweeyo, ugu danbayna waxa uu noo sheegay in labada dawladood ee somaliland iyo jabuuti ay ka wada hadleen arinkaa kana heshiiyen.

 

Haldoornews.com

Borama office

Contact@haldoornews.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *