News

Guddoomiyaha KULMIYE oo Kormeeray Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Berbera.

Byadmin

Mar 13, 2016

1007_200860366944357_8353236227082425689_nBerbera(Haldoornews)-Murrashax oo ku duceeyey gaadhista waqtigii loogu talogalay doorasho xor iyo xalaal ah
Berbera (KKULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee magaalada Berbera oo guud ahaan ay si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka Saaxil maanta.
Guddoomiye Muuse Biixi oo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa diiwaangelinta codbixiyayaasha ku tageen Gobolka Saaxil si ay uga qaybqaataan hawsha qaran ee qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka u qorshaysan horraanta sannadka 2017, waxa isaga iyo madaxda kale ee xisbal-xaakimku kormeereen goobo ka mid ah kuwa dadweynaha laga diiwaangalinayo ee magaalada Berbera gudaheeda si u qiimeeyaan habsami-u-socodka diiwaangelinta, isla markaana dadweynaha ugu dhiirrigeliyaan ka qaybgalkeeda.
12821561_200860413611019_2303050099087298837_nMurrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota Md. Muuse Biixi Cabdi oo bilaabay kormeerkiisa kadib xaflad kooban oo loo sameeyey shaacinta bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta gobolka Saaxil oo xubnaha Komishanka Doorashooyinka iyo madaxda axsaabtu ka qaybgaleen fagaaraha 26-ka June ee Berbera, waxa uu booqday dhawr goobo diiwaangelineed oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga siinayo waraaqaha kaadhadhka, kuwaas oo ay ka mid yihiin goob ku dhextaal fagaarahaasi iyo mid kale oo ah wajahadda dekedda Berbera, waxaanna Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayey si kooban uga xog-waraysteen hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi, isla markaana waxay ku dhiirrigelinayeen dadweynaha inay u dulqaataan kulaylka iyo kuyuugga qaadashada kaadhka codbixinta.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey xafladda shaacinta bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Saaxil waxa uu ku hambalyeeyey Komishanka Doorashooyinka iyo shaqaalaha fulinaya diiwaangelinta shaqada ay hayaan iyo xamilka culayskeeda.
“Diiwaangelinta codbixiyayaashu waa hawl qaran oo aynu u midaysanahay, islamarkaana aynu is-diiwaangelino, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay inoogu dhammaato nabadqab halkan iyo saddexda gobol ee hadhay, Ilaahay idinkiinna aynu gaadhno doorasho xor iyo xalaal ah waqtigii loo qabtay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

12821561_200860413611019_2303050099087298837_n 12832406_200861536944240_752115565870694606_n 12813946_200860303611030_1143674357710163291_n 12226995_200860273611033_7389062431427013290_n 12821354_200862146944179_6758113323466163372_n 12814014_200860306944363_8477072773562950106_n 10176042_200861886944205_427680622103378225_n 10399352_200861523610908_8804935927620094365_n 1007_200860366944357_8353236227082425689_n

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *