News

Dawlada Liibiya oo lagu wado in ay la Wareegto Awooda Dalkeeda.

Byadmin

Mar 13, 2016

160225120415_libya_getty__512x288_gGolaha madaxtooyada Liibiya ee ay Qaramada Midoobay baritaarto aya waxa ay ku baaqayaan in awoodda lagu wareejiyo dowladda wadaaga ah ee la soo bandhigay.

Waxa ay ka codsadeen beesha caalamka in ay joojiso tacaamulka ay la leeyihiin dowladda Liibiya ee uu saldhigeedu yahay gudaha dalka.

Golaha madaxtooyada ee Liibiya ayaa waxa uu fadhigiisu yahay dalka dariska ah ee Tuuniisiya.

Liibiya ayaa waxaa ka jira laba baarlamaan iyo laba dowladood oo midna saldhig u ah Bariga dalka midna caasimadda Tripoli. Garabkan siyaasadeed ee ay QM taageerto ayaa baadigoobaya in uu fuliya heshiis muran badan ka dhashay oo la saxiixxay seddax bilood ka hor.

Heshiiskaasi ayaa isku dayayay midaynta maamulada is diidan ee dalkaasi Liibiya

Maamulka uu fadhigiisu yahay Tripoli iyo meleeshiyaadka taabacsan ayaa wali waxa ay diidanyihiin gabi ahanba wax heshiis siyaasadeed ah.

Taasi waxa ay ka dhigaysaa talaaba kasta oo dawlad cusub ay ku soo galayso caasimada mid adag oo aan hubanti ahayn.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *