News

Waddani Oo Warqad Khalad Ah Ku Magacaabay Cabdirashiid X.Mataan.

Byadmin

Mar 11, 2016

kkkkkkWarqad uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha xisbiga Waddani  kuna taariikhaysan sannad ka hor shalay oo kale 9 March 2015-kii ayaa lagu sheegay in xil loogu magacaabay murasharaxii madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Waddani Md Cab dirashiid Xasan Mataan oo hore iskaga casilay xilka iyo xubinimada xisbiga Ucid.

Warqad ayaa waxa kale oo khaladka ka muuqda ka mid ah in lagu qorey Website la sheegay inuu xisbiga waddani leeyahay balse aan shaqayn oo ah mid been abuur ah,sidoo kale waxa warqadan dusha kaga qoran lambar qof gaar ahaaneed sito ama telefoonka gacanta ah ,waxa kale oo warqadan ku qoran khaladaad dhinaca af somaliga ah oo ka muuqda qoraalka warqadda.

Si kasta ha haatee qaladaadka xisbiga Waddani uu ka galay afsomaliga,Taariikhda iyo hab anshaxeedka siyaasadda ayaa ah kuwo soo noqnoqda marka loo eego warsaxaafadeed yada ka soo baxa xisbigan Waddani.

Dhinac kale Cabdirashiid Xasan Mataan oo tan iyo wakhtigii uu iska casilay xisbiga Ucid sheegay in uu xukuumadda ka diiday xilka wasiirnimo isagoo ku daabacay barta uu ku leeyahay Facebook-ga isaga oo sheegay inaanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu xil wasiir ka qabto xukuumadda uu hoggaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo,balse waxa muuqata inuu Cabdirashiid Xasan Mataan maanta ku qancay xilka xoghaya warfaafinta xisbigaasi oo dhawaan uu iska casilay Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)oo maalintaasi sheegay inuu xisbiga Waddani yahay mid madhan.

Hoos ka eeg warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Waddani ee lagu magacaabay Cabdirashiid Xasan Mataan.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *