News

Sacuudiga Oo Sheegay Inay La Heshiinayaan IRAN Haddii Ay Wax Ka Bedasho Siyaasadeed Ku Dhisan Farogelinta

Byadmin

Mar 11, 2016

Xili dalalka reer Galbeedka iyo Carabta ay walaac ka muujinayaan tijaabinta Gantaalada ee dowlada IRAN todobaadkan sameysay, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga jawaabay dalalka Khaliijka oo xiligan u arka IRAN mid khatar ku ah amnigooda gudaha.

Inkastoo dowlada IRAN ay tijaabintii gantaaladeeda ridada dheer ay ku tilmaamtay mid loogu talo galay in lagala hortago Isra’iil, iyadoo Gantaaladii IRAN tijaabisay Arbacadii lasoo dhaafay ay dusha uga qortay Farta Yuhuuda erayada ah (Isra’iil waa in laga tirtiro Taariikhda iyo khariirada Caalamka) ayaa hadana tijaabadan la sheegay inay si dadban digniin ugu ahayd dowlada Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka.

Sacuudiga ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey dar dar geliyey hawlgalada militari iyo waliba siyaasada ka dhanka ah kooxaha ay IRAN taageerto ee kusugan Yemen, Siiriya iyo Lubnaan, waxaana la hadal hayaa in Boqortooyada Sacuudiga ay si qarsoodi ah u wado barnaamij hub Nukliyeer ah oo la sheegay inay kasoo gadatay wadanka Pakistaan, arrintan oo aysan weli ka hadlin dalalka reer Galbeedka ee iyagu xulafada la ah dowlada Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa khamiistii shalay ka jawaabay xiisada ka dhex taagan dalalka IRAN iyo Sacuudiga, isagoo sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay la heshiiyaan IRAN hadii dowladaasi ay wax ka bedasho siyaasadooda arrimaha Dibada iyo farogelinta ay ku heyso wadamada Carabta.

D IRAN oo sanadkan laga qaaday cunaqabateyntii dhaqaalaha ayaa durbaha hub cusub ka dalbatay dalalka Ruushka iyo China, halka dalalka Khaliijka gaar ahaa Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay heshiis 10 bilyan oo dollar ah la galeen shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka.hinaca kale dalka Imaaraatiga oo isagu in muddo ah ka gaabsan jiray xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Bariga Dhexe ayaa isaguna wada dadaalo baaxadleh oo uu kusoo gadanayo hub badan iyo gantaalada difaaca, waxaana laga cabsi qabaa in awooda siifideysa ee militariga IRAN ay soo dadajiso dagaalo ka dhex qarxa wadamadaasi jaarka ah

Iran-Gantalo-740x489

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *