Aragtida Dadweynaha

Ma Garashey ka tahey Golaha Wakiilada, Muranka Saami geybsiga kuraasta Xildhibaana ee ay si Muriginayaan ?

Byadmin

Mar 11, 2016

12Muranka saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo taagnaa 25-ka sanno ee Somaliland jirto. Sedexdii Xukuumadood ee Wadanka soo hogaamiyey (Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal iyo Riyaale Kaahin) ayaan midna u suuragelin xal u helida muranka la dhashey Somaliland. Haddaba maadama Somaliland qaadatey nidaamka Dimuqraadiga ee saldhigu u yahey HAL QOF HAL COD maxaa keeney xal u heli la’aanta murankan soo jiitamey ee sii xoogayesta mar kasta oo Doorashooyin soo dhawaadan ? Xukuumada Kulmiye ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, Silanyo hogaamiyo ayaa noqotey Xukuumadii ugu horeysey ee u badheedha xali u helida muranka Saami geybsiga, waxaase nasiib daro la mooda, in jidka Xukuumada, Asxaabta Qaran iyo Golaha Wakiiladu u marayaan xal u raadinta saami geybsiga u yahey mid qodxo badan oo keeni kara isqab-qabsi qabyaaladeysan, sababna u noqon kara doorashooyinka fooda inagu soo haya oo mar kale dib u dhac ku yimaad. Shirgudoonka Golaha Wakiilada, markii uu la tashi la sameeyey asxaabta Qaranka, ayaa dhawaan ku dhawaaqey in uu Guddi Hoosadkiisa Arrimaha Guddaha u kale dirayo Gobolada Dalka si ay ra’iga bulshada Somaliland ee ku saabsan saami geybsiga u soo ururiyaan. Ra’i ururin bulsheed waxa la hirgeliyaa marka aragtiyo siyaasadeed oo kala fog la isu soo dhaweynayo, saami geybsiguna maa ahaa aragti siyaasadeed ee waa xisaab aan muran geli karin waayo HAL HAL ku dar waa 2 oo sinaba uma noqon karto 3. Haddaba arrinka Shirgudoonku ku hawlanyahey oo durba dhawaaqii diidmada ah ee ugu horeyay ka soo yeedhayo Gobalka Awdal wuxuu u muuqdaa mid aan muranka xal u noqon ee sii murgiya, tiiyo waliba maal badan oo abaaraha wadanka ku habsadey lagaga hortegi lahaa ku baxaayo.

Ummadii Nidaamka Dimuqraadiga ah ee HAL QOF HAL COD si dhab ah u hirgelisaa waxay si fudud uga gudubtaa muranka saami qeybsiga kuraansta Golaha Wakiilada marka ay xaqiijiso laba arrimood oo udub dhexaad u ah nidaamka HAL QOF HAL COD, labadaas arrimood oo ah Tirada Guud ee Codbixiyaasha Wadanka iyo Tirada Gobolkasta ee Codbixiyaasha Doorashooyinka ka qeybgeli doona, tiiyo waliba tiknoloojiyada casriga maanta fududeyneyso xaqiijinta labadaas arrimood. Naasib wanaag waxa, sannadkan 2016 Somaliland u hirgelaya xaqiijinta labadaas arrimood ee kor ku xusan mar haddii Diwaangelinta Codbixiyaashu si habsami leh uga socoto dhamaan wadanka. Marka xaqiijanta Tirada Guud ee Codbixiyaasha  wadanka iyo Tirada Gobolkasta ee Codbixiyaashu soo afjaranto intaan sannadku dhamaan waxa fududaaneya xal waaro oo laga gaadho muranka sami qeybsiga. Muxuuse yahey xalkaas ?
Sida aynu hore u soo sheegney mar haddi saami qeybsigu aanu aheyn aragti sayaasadeed ee yahey xisaab aan muran geli karin waxa Madaxweynaha Wadanka la gudboon, isaga oo awoodihiisa dastuuriga adeegsanaaya, lana tashanayaa asxaabta Qaranka ee Dorashooyinka u tartamayaa  in uu digreto madaxweyne ku soo saaro Xeer Nidaamiye soo afjarayaa muranka saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada. Xeer Nidaamiyahan ayaa, si looga hortago isqab-qabsi goboleysi qabyaalad ku dheehantahey, keli ah ka koobnaan kara sedex qodob:
Qodobka 1-aad oo qeexaya tirada Guud ee Golaha Wakiilada inta ay noqoneyso, qodobka 2-aad oo isna qeexaya halkii kursi ee Golaha Wakiiladu inta code ee uu la siman yahey, halka qodobka 3-aad farayo Guddida Doorashooyinka in ay, la tashi asxaabta Qaranka kadib, soo saaraan shaxda kuraasta Golaha Wakiilada ee Gobolkasta leeyahey marka Diwaangelinta Codbixiyaasha la soo afmeero 6 ilaa 5 bilood ka hor intaan Doorashooyinka loo dareerin.
Si fahamka Xeer Nidaamiyahan u fududaado aynu soo qaadano tusaale mala’awaal ah :-Tiradii Guud ee Codbixiyaashii waxay noqotey 1.350.000 oo qof. Xeer Nidaamiyuhu wuxuu tilmaamey in tirada Guud ee Golaha Wakiiladu tahey 109 Xildhibaan, waxa kale oo u timaamey in Halkii kursi ee Golaha Wakiiladu u dhigmo 12500 cod. Guddida Doorashooyinka oo ka tilmaan qaadanayaa Xeer Nidaamiyaha Madaxweynuhu Digretada ku soo saarey waxey asxaabta Qaranka u soo bandhigeen shaxda tirada kuraasta Golaha Wakiilada ee hoos ku qoran, kadib markii Guddida iyo asxaabta Qaranku isla xaqiiqsadeed natiijadii ka soo baxdey Diwaangelinta Codbixiyaasha :
Gobolka
Tirada Codbixiyaasha
Tirada Golaha Wakiilada
Maroodi-Jeex
499500
40
Awdal
162000
13
Saaxil
67500
5
Sanaag
229500
18
Togdheer
324000
26
Sool
67500
5
In kastoo la odhan karo in Tirada Codbixiyaasha ee Diwaangelinta socota soo saari doonto ayna Gobolada qaar sax aheyn maadaama duruufaha jira awgood dadku aaney fursad u helin in ay dhamaantood is diwaangeliyaan, haddana geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyada Somaliland xaq looguma laha in loo hakiyo qof aan is diwaangelin, duruf kastaaba ha ku timaadee. Qofka maanta fursad u waaya in uu diwaangelinta socota ka qayb qaato, doorashooyinka soo socda oo muddo dheer ka hadhey(Haddi Rabi inagu simo) ha isu diyaariyo sidii uu uga qeybgeli lahaa oo waajibaadkiisa dastuuriga u gudan lahaa.
Maxamuud-Yaasin Cabdillahi Ciro
Brussels. Belgium

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *