News

Doorashada USA: Trump oo sheegay in Islaamka uu Necebyahay Maraykanka

Byadmin

Mar 11, 2016

Murashaxa ka dhex tartamaya xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, Donald Trump ayaa dood weyn ka dhex dhaliyey murashaxiinta xisbigaasi kadib markuu uu wareysi uu khamiistii shalay uu bixiyey ku sheegay in Islaamka uu cadaawad weyn u hayo dadka iyo dalka Maraykanka.

Trump oo xalay ka qeyb galay doodii loo qabtay murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aalo laga weydiiyey hadalada uu jeediyey ee ku aadan Islaamka, isagoona ku adkeystay inuu aaminsan yahay in Muslimiinta intooda badan ay cadaawad iyo naceyb u hayaan wadanka iyo shacabka Maraykanka.

Trump-CNN-dood2Balse murashaxiinta kale ee xisbiga Jamhuuriga ayaa fursadan ka faa’iideystay gaar ahaan murashaxa Senator Marco Rubio oo gobalka laga soo doorto ee Florida lagu qabtay doodii xalay ee Jamhuuriga.

Trump-CNN-doodSenator Marco Rubio ayaa sheegay inay khalad tahay in Trump uu aflagaadeeyo Muslimiinta, isagoona sheegay in ay muslimiin badan kasoo jeedaan dalka Maraykanka, isla markaana Maraykanka ku khasban yahay inuu la shaqeeyo oo uu xiriir wanaagsan la yeesho dunnida Islaamka.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *