Hargeisa (Haldoornews)-Ganacsato Hilib Dameeraad Soo Galiyay Magaalada Hargeisa ayaa Shaki Wayn ku Abuuray Bulshada ka Iibsata Hilib Magaalada Hargeisa.
Ciidanka Booliska ayaa Ka helay Xaafada Siinaay ee Magaalada Hargeisa Meel Sariibad ah oo Hilibkaasi lagu iibinayo, Balse aanay dadku garanayn Waxa uu yahay Hilibkan oo Qiimihiisu ka Hooseeyay inta Hilibka Caadiga ah.
Wararka Naga soo gaadhaya Xogo ku dhaw Taliska Ciidanka ayaa sheegay in Ciidamada Police Ku Gacanta Ku Soo Dhigeen Hiliblayaasha Oo Markaa Hilbihii Dameerka Jarjaraya kuwaasi oo Hada Ku Xidhan Saldhiga Iftin Ee Maglaada Hargaysa
Dhacdadan Ayaa Noqonaysa Mid Shacabka Reer Hargaysa Khalkhal Ka Galisay Cunitaanka Hilibka Suuqayada Laga Soo Iibiyo . Waayo Maadaama Oo Aanay Jirin Cid Daba Gasha Hilbaha Suuqa La Keeno oo kala Saarto Hilibka Xoolaha iyo Dameeraha