Aragtida Dadweynaha

Sooyaal: Xuska Sideeda Maarij Siduu Ku Timid? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Byadmin

Mar 10, 2016

coo mayDumar badan ayaan waxba kala socon, taariikhda maalinta loogu magac daray sideeda maarij ama 08 MARCH. Haddii aad aragto maalin la dabaaldagayo wax lagama maarmaan ah, inay jirto sabab iyo ujeedo loo sameeyey, balse aanay ahayn wax si dabiici ah u yimid oo keliya. Sooyaalka dhabta ah. Sannadkii 1857 kii bishii saddexaad sideedeedii waxa mudaharaaday dumar ka shaqaynayey magaalada NEW YORK ee dalka maraykan, iyagoo ka cabanayey mushahar yari iyo culays xad-dhaaf ah, oo ka soo waajahay shaqada. Booliska magaalada NEW YORK ayaa xoog ku kala dareeriyey, aakhirkiina waxa istaagay mudaharaadkii. Isla maalintaasi dumarkii mudaharaaday waxay samaysteen urur u dooda xaqooda iyo mushahar yaraanta soo food saartay. Sannadkii 1908 kii bishii saddexaad sideedeedii ayey mar kale mudaharaadeen dumar gaadhaya 15,000 magaalada NEW YORK, iyagoo ka cabanaya in loo ogolaado inay codeeyaan doorashooyinka dalka maraykan ka dhici doona. Waayo hore umay codayn jirin. Mudaharaadkan waxa soo qaban qaabiyey ururkii ay samaysteen dumarkii ka qaybgalay mudaharaadkii hore. Sannadkii 1909 kii bishii saddexaad sideedeedii ayaa la qabtay shir caalami ah, oo ka dhacay magaalada COPENHAGEN ee dalka Denmark, waxaana shirkan loogu yeedhay maalinta haweenka yurub. Shirkan waxa ka soo qaybgalay 17 dal oo reer yurub ah, waxaana lagu go’aamiyey in sanad ksata la xuso maanlintan, loona dabaaldago islamarkaana la raadiyo xuquuqda dumarka ka maqan. Sannadkii 1911 kii waxa dhacay dabaaldagii ugu weynaa ee soo mara taariikhda adduunka, waxa hal mar isu-soo baxay malaayiin dumar ah, kana kala tirsan waddamada: Ustareeliya, Jarmal, Deenimaarik, Iswiirlan, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Giriiga Iyo Holan. Iyagoo ka cabanayey gumaysi dumarka lagu hayo iyo waliba ninka oo naagtiisa nin kale ka iibiya si uu dhaqaale uga helo. Waana markii ugu horaysay ee caalami laga dhiga sideeda maarij. Sanadadii 1913,1914, 1915 waxa mudaharaaday dumarka yurub iyo ruushka iyagoo dalbanayey in la joojiyo dagaalkii labaad ee dunida, islamarkaana loo soo celiyo ragoodii, oo ku maqan dagaalka. Sannadkii 1921 kii waxa qaraar soo saaray hogaamihii midowga soofiyat mr LENIN wuxuuna ku dhawaaqay in sideeda maarij ay noqoto maalinta haweenka adduunka. Sanadkii 1923 waxa banaan-bax weyn sameeyey dumarka ku dhaqan koonfurta ameerika iyo aasiyada bari, iyagoo ka cabanayey in laga daayo in ragoodu ka kireeyaan rag kale, si ay u helaan dhaqaale. Sannadkii 1977 Qaramada Midoobay ayaa saartay go’aan ahaa in waddan kastaa sameeyo dabaaldag maalinta haweenka adduunka, si loo cidhib tiro dhaqamada xun ee ay ka mid yihiin: xaq la’aan, codbixin la’aan, gaajo, kufsi, dumarka la kireeyo, dumar la iibiyo, addoonsiga IWM.

Ugu dambayntii , halkaasi waxa inooga Cad inay Taariikhda 8-March tahay mid ka dhalatay dhib lagu hayey dumarka aduunka, ayna ugu wacnayd Diin la’aan, Dhaqan la’aan Jahli iyo Yasitaan loo Hayay Dumarka ku kala Nool Daafaha Dunida, Aakhirkiina loolan weyn ka dib ay ku Guulaysteen inay ka baxaan Dulmigii iyo Cadaalad daradii saamaysa. Balse arrintaasi lama qabaan dumarka Soomaalidu waayo waa dad islaam ah oo lahaan jiray dhaqan wanaagsan oo dumarka xurmeeyo, markaad eegto dhaqanka Soomaalida dagaallada ugu xumi waxa ay ka dhici jireen gabadh la kufsaday ama sharafteedii meel lagaga dhacay. Meel dumarka Soomaalida lagu addoonsaday lama sheegin, meel gaajo lagu diley lama sheegin, meel ninkeedu uu iyada iibiyo hadalkeeda daa.  Markaa dumarka Soomaalidu ha samaystaan maalin u gaar ah oo ay xusaan taariikho ay leeyihiin, laakiin taariikhdan Sideeda Maarij waxa iska leh dumarkaa aynu soo sheegnay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

calicoomay@hotmail.com

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *