News

Qurbajoogta DDS ee Dalka Sweden oo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Ku Hambalyeeyay Magacaabista Council-ka Tog-Wajaale.

Byadmin

Mar 10, 2016

1 5 12084824_1293804690646157_352881591_o 12381237_1293804743979485_1020750060_o 12477018_1293804753979484_1733392623_o 12788759_1293804347312858_695296743_o 12790156_1293804773979482_1201048743_o 12804477_1293804320646194_1201450955_n 12810128_1293804783979481_2071230231_o 12822914_1293804330646193_1838795378_o 12837267_1293804457312847_840866383_o 12837284_1293804717312821_771541620_o 12837502_1293804417312851_1413838374_o 12842384_1293804730646153_861681309_o 12842601_1293804660646160_1205180051_o 12842628_1293804397312853_85193811_o

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES

Stockholm(Haldoornews) Qurbajoogta Magaalada Wajaale ee Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Dhaqan Dalka Sweden ayaa Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ku Taageeray Council-ka uu umagacaabay Degmada Wajaale, Waxaanay Madaxwaynaha uga Mahadnaqeen Taageerada iyo Waxqabadka uu Marwalba la Garab Taaganyahay Deegaanka.
Kullan Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Qurbajoogta Councilka Wajaale ee DDS ee Dalka Sweden oo ka dhacay Magaalada Stockholm kaasi oo lagu Hambalyeeyay Horumarka Mashaariicda Horumarineed ee uu hirgaliyay intii uu Xilka hayay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.
Maxamuud Ibraahin Muxumed oo ka mid ah Qurbajoogta Dawlad Deegaanka Somalida itoobiya oo Munaasabadan Soo Qaban Qaabiyay ayaa ku Dheeraaday Waxqabadka Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo isbedelada ka muuqda Dhismaha Wadooyinka Jigjiga iyo Degmooyinka kale, Waxaanu ku Booriyay Dadwaynaha ku Dhaqan Council-ka Tog-wajaale in ay la jaanqaadaan Isbedelka Horumarineed ee ka socda Guud ahaan deegaanka lana Shaqeeyaan Dawladooda.
“Waxaanu aad iyo aad ugu Mahadnaqay Madaxwanuhu Talaabada uu qaaday ee uu Council-ka kaga dhigay Tog-wajaale waxaananu balan Qaadaynaa inaanu Horumarka kala Shaqayno, Hadaanu nahay Qurbajoogta Deegaanka Wajaale ee DDS” ayuu yidhi Aqoonyahan Maxamuud Ibraahin Muxumed.

Waxaa kale oo iyana halkaasi hadalo ka soo jeediyay , Siciid C/laahi, Maxamed Sheekh Muuse, Axmed C/laahi Khaliif, C/risaaq Xasan Aadan, C/risaaq Baashe, foosiya Gabax, Sahra Funny, Xaliimo cali Xasan, waxaanay dhamaantood Hambalyo udireen madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Yoonis Jibriil oo dhawaan la Caleemo saari doono, sidoo kale waxay Hambalyo udireen Xildhibaanka laga Soo Doorto Deegaanka oo loo yaqaano Xildhibaan Mukhtaar.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *