News

Muranka Xuduuda u Dhaxaysa Somaliland iyo Puntland oo sii Xoogaysanaya +Wafti Puntland ah oo Yimid Deegaanka Bixin.

Byadmin

Mar 10, 2016

madaxwayne-karaash-150x150Garoowe(Haldoornews)-Wafdi uu hogaaminayey wasiirka wasaarada arimaha gudaha dawlada hoose iyo hormarinta reer miyga dawlada puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gaaray deegaanka bixin oo dhawaan ay gaysay dawlada Puntland kantarool kaas oo buuq siyaasadeed dhaliyey.

Axmed Cilimi Cismaan Karaash ayaa sheegay inay jiraan dadka ka hadlayey dhul-balaarsi ay samaysay Puntland wuxuuna sheegay in dadkaasi ay kasoo jeedo Soomaaliland wuxuuna xusay in ay yihiin kuwo iska hadlaya isagoo ka hadlayey ayuu yiri”Waan ognahay qaar kamid ah deegaanada anigu aan dhalasho ahaan kasoo jeedo ayey ka taliyaan”ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Axmed Cali Xaashi gudoomiyaha Baarlamanka dawlada Puntland oo qayb ka ahaa wafdiga uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha Puntland oo gaaray deegaankaasi bixin ayaa sheegay inay jirintaanka Puntland tahay Muqadis isla markaana deegaanka bixin aysan jirin cid ka dhigi karta deegaan oo dhisme ka dhisi karta.

Dhawaan ayaa sidan oo kale waxaa deegaankaasi u gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay oo ay qayb ka ahaayeen wasiirka wasaarada amniga iyo Garsoorka.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *