Aragtida Dadweynaha

Kaadiriyiinta Madaxtooyada Somaliland Oo Ku Mashquulsan Hirgalinta Xisbi Kaliya Inuu Dalku Yeesho( Xisbigii Hanti Wadaaga Kacaanka)

Byadmin

Mar 10, 2016

Markaad u fiirsato Dal bilaa Madaxweyne ah oo dad liita oo dumar iyo waxaan dhaamin dalkii iyo qarankii aynu ugayn maanta ay dhaxalsiiyeen halka uu maraayo, oo waliba dadka aynu sheegaynaana ay kamid yihiin kuwa kusoo caan baxay qolo nacayb iyo qabyaalad fool xun, oo jecel inuu dalku burburo, kuwaas iyo waxaan dhaamin ayaa manta dalkii u talinaaya markii lawaayey Odaygii ummadu dooratay oo RAQ noqday sawir inasoo eegaya uun!!!!

Isku dayada tirada badnaa ee burburka qaranka ee ay ku talaabsadeen shakhsiyaadkaa kaadiriyiinta madaxtooyadu lama soo koobi karo. Haseyeeshee waxaan soo qaadan doonaa uun tan maanta sii qoyan ee ah in la isku jabiyo labada XISBI QARAN ee Wadani iyo Ucid.   Jabka ay la maagan yihiin ee burburka labadaa xisbi waxay manta usoo adeegsadeen FAYSAL CALI WARAABE oo la soo siiyey Qandaraas inuu waliba adeegsado luuqado kakan oo kicin karo iskana horkeeni kara  bulshada walaalaha  ee GARXAJIS!!!! Ee ay kasoo kala jeedaan LABADA GUDOOMIYE XISBI.

Marka uu yimaado BURBURKAA LABADA XISBI MUcaarid maxaa meesha iman doona , WAA halkii ay rabeen oo ah inay dalku kusii jiro dulmigaa iyo boobkaa aynu wada arkayno ,  ee dib inoogu celiyey 1991 saansaanta dalku sida manta uu u eeg yahay , maxaad kasoo qaadaa kii CIGAAL ku lahaa reer hebel ayaad intaas oo xil ku taxday iyo reer hebel intaas oo  xil ayay hayaan , kiibaa manta MADAXWEYNE inoo ah oo dalka u taliya isaga iyo xaawalay aan is dhaamin, maxaynu markaa ka filan karnaa? 

Gababagadii;  waxaan talo iga ah burburkaa lala damacsan yahay labada xisbi mucaarid in dhug loo yeesho oo laga hortago kuwa wadana ileen dalka uma aynu doorane waa in aynu ULL kaga soo saarnaa ( mar baan hore u idhi rag baa dhangad sheegaye wax ka daran ayaanu kaga soo saari , markaa wixii ka darnaa ayaa si kale loo fasishay markaa manta waxaan leeyahay ULL waa in aynu kaga soo saarnaa, waxaan kale oo aan leeyahay waxaa la rabaa in BEESHAA aan sare kuxusay la isku jabiyo oo la iska hor keeno si ay iyaguna fursad u helaan , taana waan in laga digtoonaadaa.

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

Cabdirasaaq  Askar best

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *