News

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta galinkii hore laga soo Caydhiyay Degmada Allaybaday

Byadmin

Mar 7, 2016

wasiirka-beerahasida warkani nagu soo gaadhay,koox wasiiro ah oo ka kooban afar oo uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha Somaliland Maxamed Awdaahir ayaa Maanta galinkii hore waji gabax kala kulmay shacabka ku dhaqan degmada Allaybaday kadib markii ay halkaasi u tageen inay xoog ku furaan Xafiiskii Xisbiga Kulmiye oo sanad ka hor uu kala wareegay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI islamarkaana ay hor tuban yihiin boqolaal dhalinyaro ah oo ku labisan Calankii Xisbiga WADDANI iyo koofiyadihii midabka casaa,taasi oo anfariir ku riday gaar ahaan Wasiirkii hogaaminayay oo Sida la sheegay Khajilaad ka soo degi kari waayay Gaadhigii uu saarnaa halka wasiirada kale ay qaarkood ka soo dhaadhaceen ee ay dadka ugu faaneen Hawlgalkii ciidamada ku soo qab qabteen dablaydii Berbera.

warkan ayaa intaa ku daray in Wasiiradani isku dayeen inay Daasado caano ah oo gaadiidka u saarnaa u qaybiyaan qaar ka mid ah Shacabka reer Allaybaday balse sida la sheegay dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa ka yaabiyay Wasiiraddaasi kadib markii ay u sheegeen inaanay ahayn wakhtigii daasadaha caanaha la qaybinayay ee ay tahay wakhtigii gurmadka culus dadka loo galayay,waxaanay u sheegeen in dad iyo xoolaba biyo la’aan ka jirto deegaamo badan oo ka tirsan Allaybaday.

warkan oo faah faahsan ka akhri Bari Wargeyska Foore.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *