News

Shir looga Hadlayo Qaxoontiga ku sugan Dalka Germany ayaa ka Dhacay Wadankaas iyo sidii Qaxoontiga loo Gacan Qaban lahaa ku sugan wadankaasi.

Byadmin

Mar 7, 2016

germnayWar aan kasoo xigatay tv ga Tagesschau lagu magaaco ee laga leeyahay wadankan Germany ayaa sheegaya in shir loogu talo galay in lagaga hadlo qoxootiga jarmalka jooga maanta ay qabteen dowlad goboleedyada wadanka jarmalku ka koobanyahay .

Warkan ayaa qodobadii oogu muhiimsanaa ee lagag hadlay waxaa ka mid ahaa .
Cayrta ‘koorsooyinka luuqada jarmalka’ sharciyada iyo waraaqaha caafimaadka.

Hadaba qodobadan oo midmid looga hadlay ayaa waxaan soo qaadanaynaa qodobka lacagta cayrta iyo waxa laga yidhi

Lacagta Cayrta ……..

Dowlada faderalka iyo xukuumadaha goboladu waxay ku heshiiyeen in kor loo qaado xukuumado goboleedyada dhaqaalaha lasiinayo ama miisaaniyad sanadeedka si kor loogu qaado nolosha dadka soo galootiga ah .

Hadaba dowlada federalka oo sheegtay in xukuumadaha gobolada lagu caawinayo lacag gaadhaysa 1 bilyan euro ayaa waxay kadhigaysaa miisaaniyad sanadeedka dowlad goboleed kasta 4 bilyan oo euro .
Dadka qoxootiga ahna dowlada federalku waxay uqorshaysay ruuxiiba 670euro taas oo noqonaysaa arin farxad uleh qoxootiga .

Cayr kordhiskan ayay waxuu kusheegay warku inuu bilaabmi doono 1 bisha May ee sanadka 2016

Caruurta qoxootiga ah eenan waalidiintood lasoconina waxaa lasiinayaa laga bilaabo bisha jun ee 2016 350 euro

Miisaaniyadan ayaa ah mid kor usii socon doonta

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *