Aragtida Dadweynaha

Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Door Wayn Ka Qaatay Dajinta Xaalada Gobolka Saaxil Islamarkaasna Xusay Muhiimada Ay Nabadgalyadu U Leedahay Dhismaha Qaranka

Byadmin

Mar 6, 2016

Ugu horeyn waxan halkan hambalyo uga dirayaa Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muse sida uu isku xilqaamay ka qayb qaadashada Dajinta Xiisada ka taagan Gobolka Saaxil ee ka Dhalatay Dilkii Allaha u Naxariistee Taliyihii Qaybta ee Gobolka Saaxil,
Tallaabadan uu qaatay Wasiir Shucayb ayaa ahayd mid wax wayn ka Tartay Xaalada Amni xumo ee ka Jirtay Gobolka Saaxiil, Wasiirka ayaa ugu horayn ka bilaabay ololihiisa la xidhiidha Wax ka qabashada iyo Dajinta xaaladan Kulamo Gaar Gaar ah oo uu la qaatay waxgaradka, Hogaanada Dhaqanka, iyo Aqoonyahanka Gobolada Saaxil, Maroodi jeex iyo Gabiley, kulanadan oo aan saxaafada loo soo bandhigin ayaa nuxurkoodu ahaa Sidii Xaalada Gobolka Saaxil looga wada Qayb Qaadan lahaa In la dajiyo Ammaankeeda, maadaama ay Tahay Deegaan Xasaasiya oo ay ku taalo Dekada weyn ee berbera oo ah Muraayadii Dalka,
Dedaalkan uu Wasiir Shucayb ugu jiray xoojinta Amniga Dalka ayaa la odhan karaa waa Tallaabo wax ku ool ah , waxana la odhan karaa Shucayb waa Shaqsi ku sifoobay U heelanaanta iyo Daacadnimada Qaranka uu Xilka u hayo, waayo waxad arkaysaa Markasta iyo meelkasta oo uu joogo isagoo wada Wacyi galin la xidhiidha Faaiidada ay Nabadgalyadu u leedahay Qaranka,
Iyo in laga fogaado Qabyaalada iyo Dacaayadaha Riqiiska ah ee Bulshada kala fogaynaya,
Waxa kale oo Wasiir Shucayb ku baraarujiyey  qaybaha kala duwan ee bulshada Muhiimada ay Bulshada u leedahay Qaadashada Kaadhka Codbixinta ee Dhawaan ka bilaabmi doona Gobolada Gabiley ,Hawd iyo Saaxil, waxana uu ku adkeeyey waxgaradka deegaanadaasi in ay bulshada Gaadhsiiyaan Fariinta ku haboon ee la xidhiidha Qaadashada Kaadhka Codbixinta,
Waxana uu carabka ku dhuftay in Maalmaha soo socda ay Wafti ahaan ugu kicitimi doonaan Deegaanada ay Dhawaan ka bilaabmi doonto Diiwaan Galintu si ay u siiyaan Fariin hordhac ah oo la xidhiidha  Qaabka ay Diiwaan galintu u dhici doonto,
Si kastaba ha ahaatee Wasiirkan Da’da yar ayaa noqday Mucjisada Golaha Wasiirada ee Xukuumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Aaden, waxana loo baahanyahay in Masuuliyiinta Qaranku ku daydaan Dadaalka Wasiirka Warshadaha
Wabillaahi Towfiiq
By Mustafe Hussen Carraalefacebook_1455057459468

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *