Aragtida Dadweynaha

Iscasilaada Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo Daaha ka Fayday Qabyaaladii Huursanayd ee Xisbiga Wadani iyo Hogaaminta Cirro.

Byadmin

Mar 6, 2016

cirroMuj.Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaa Masuul Culus oo Miisaan Culus ku lahaa Xisbiga Wadani isla markaana Astaan Qaran u ahaa Qabyaalad Diidka iyo Cadaalad Darrada ayaa Toosh ku ifiyay Qabyaaladii Qaawanayd ee lagu Xaman jiray Xisbiga Wadani iyo Hogaankiisa Sare.

Mujaahid Boobe oo ah Nin Qoraa ah isla markaana Sugaan Dhaadhi ah oo Afmiishaarnimadiisa uu Doonayay Xisbiga Wadani inuu ka Faa’iidaysto kuna Guuro ayaa u Adkaysan Waayay Habdhaqanka Inta Haybta la Wadaagta eek u Xeeran Gudoomiye Cirro oo isaga oo Mucaarad ah ku Dul maamulaya Kursiga.

Iscasilaada Boobe ayaa laf-dhuun gashay ku noqotay C/raxmaan Cirro oo isku Dayay inuu Khiyaamooyinkii uu hore uguga Guulaystay  oo kale Alle ha unaxariistee Aadan Mirre Waqaf iyo Saaxiibkii Faysal Cali Waraabe  oo ka keenay Wadanka Finland isaga  Somaliwayn iska aaminsan ilaa 1996-kiina ahaa Safiirkii Somaliya ee Ruushka ku Sameeyo. Balse uu iska Fahmay oo uu Natiijada Mustaqbalkiisa Dib ugala soo laabtay Halkii uu ku Hungoobay.

C/raxmaan Cirro ayaa isagu Khibrad badan ka soo qaatay Mukhalsnimadii iyo Qaabkii magafe-nimada ahayd ee uu Dalka Ruushka uga Tahriibin jiray Dadka Somalida ee Yurub ku Socda Taasi oo ah Tixraaciisa ugu Wayn ee uu Dhaqan galiyay intii uu Siyaasada Somaliland ku soo Biiray waana Ta keentay in la Fahmo Aragtidiisa Gaaban ee Aqoon Darrada ku Dhisan.

Maxamed Axmed Gaabane

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *