News

War deg deg ah:Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Boobe Yuusuf Ducaale oo iska Casilay Xilkaasi+Sababta uu isku Casilay.

Byadmin

Mar 5, 2016

boobe wadaniHargeysa(Haldoornews)-Xoghayihii Warbaahinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta ku Dhawaaqay in uu iska Xasilay Xilkii uu ka Hayey Xisbigaasi.

Wararku waxay intaa ku Darayaan in Iscasilaada Muj Boobe ay Sababtay ka dib markii ay Beesha Gudoomiye Cire ay Cadaadis Saartay, laguna Cadaadiyey in aanu ku Hadli Karin Afka Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

Dhanka kale ilaha warkani ka soo Baxayaan ayaa intaa ku Daraya in Boobe uu iska Casilay Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye oo iyagu wada Hadal kula Jira Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani , oo uu Dhaliili Jiray Boobe intii ay ka Mid ahaayeen Xukuumada Madaxwayne Silaanyo ee ay Xilalka ka Hayeen.

 

Arintan Is Casilaada Boobe ee Xisbiga Wadani ayaa Dhabar jab ku Noqonaysa, Maadaama uu ka mid ahaa Tiirarka Ad-adag ee uu ku Taagnaa Xisbiga Wadani, sidoo kale waxaa iyaguna Muuqata Dhaliishii ay Bulshada ku Eedayn Jirtay Xisbiga Wadani in uu Reer uun leeyahay.

wixii warar ah ee ka soo Kordha Is Casilaada Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Wadani isha ku Hay Haldoornews.com

 

Haldoornews.com

Hargeysa office

Contact@yahoo.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *