Aragtida Dadweynaha

FARIIN KU SOCOTA WASIIRKA CUSUB EE WASAARADA DUULISTA IYO HAWADA SOMALILAND. WQ: ENG SHIRE DUCAALE.

Byadmin

Mar 3, 2016

maqaalMadaarku waa meesha laga dheehdo hab maamulka iyo hab maamuska bulsho marka ugu horayso ee aad dalkooda soo booqato. Hadii aad kala kulanto madaarka is dhex yaac,mulaaq maamul iyo jawi aan ku farax galin,ogow dalkaasi marka aad gudaha u sii gasho,waxaa iyo wax ka daran ayay naftu ku odhanaysaa waad kala kulmaysaa dalkaasi. Sidaa daraadeed madaarka Hargeisa waxa uu u baahan yahay hal maamul oo meel qudha laga hago,shirkadahan magacyada badan lehna meesha in laga saaro sida NASHA,SRM,iyo Dalmar Vip catering.

Wasiirka cusub mid baan leeyahay,dadaalka kastoo ay samee is yidhaahdeen  wasiiradii kaa horeeyay  waxa jalaafooyin  u dhigay shirkadaha ay Daallo airlines leedahay ee kala ah NASHA IYO SRM,sidaa daraadeed hadii aad ku dhacdo dabinkooda waxa marag madoon ah in aadan wax isbadal ah ka samayn doonin madaarka Egal international airport,fadlan bilaa calayka ka foojignow.

Madaarka Hargeisa ee Egal international airport waxa  isticmaala shirkadaha sida Ocean airlines,Ethiopian airlines,African express ,Flydubia iyo Daallo airlines,iyadoo waliba la filayo in ay ku soo biiraan Turkish airways,Kenya airwaysa  iyo Qatar airways kuwaas oo dhamaantood xiiso u muujiyay madaarka Hargeisa in ay soo dagaan.

Hadaba madaarka intaasoo diyaaradood ay isticmaalaan qaarna dhawaan isticmaali doonaan waxa lagama maarmaan ah in uu yeesho maamul dhex u ah shirkadaha tartamaya oo waxa ay ku tartamayaan uu noqdo qiimo iyo tayo (Price and quality),ma aha shirkad gaar ahi in ay taxgalin hesho,waayo taasi tartankii ayay xagaldaacinaysaa oomana fiicna kobaca qanacsiga.

Waad Mahadsantihiin

ENG SHIRE DUCAALE

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *