Aragtida Dadweynaha

Dhacdadii foosha xumeyd ee shalay lagu dilay Taliyihii qaybta booliska ee gobolka saaxil waxay astaan u tahay hogaan xumida xukuumadda Silaanyo .

Byadmin

Mar 3, 2016

Dhacdadii foosha xumeyd ee shalay lagu dilay Taliyihii qaybta booliska ee gobolka saaxil

waxay astaan u tahay hogaan xumida xukuumadda Silaanyo ee ku dhisan eexda, qaraabo-kiilka
iyo nin jeclaysiga, isla markaana keenta dhacdooyin badan oo ina soo maray muddo xileedkii
Silaanyo oo ku sifoobay Hogaan jilicsan, cadaalad xumo, eex, qaraabo-kiil iyo musuqmaasuq.
 
Sidaa darteed, waxaan ummada reer somaliland u soo jeedinayaa inay arrinkaa meel looga 
soo wada jeesto lagana dhigin reero iyo qabyaalad, waana ta uu doonayo Silaanyo si uu
madaxa isugu dhufto dadka oo halkaa ka raadiyo muddo korodhsi kale, bal u fiirsada 
xaaladaha ka jira somaliland maanta, meelo badan ayuu xarakaad ka wadaa barri ilaa
galbeed.
 
 
 
SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO.
 
Ahmedqodaal
Oslo.Norwey.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *