Berbera(Haldoornews)-Wararka laga Helayo Guud ahaan ee Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ay Xaaladu Hada Kacsan Tahay ka Dib markii Shallay ay Koox Dablay ahi Toogteen Taliyiin Gobolka Saaxil, alle ha u Naxariistee Marxuum C/risaaq Casayr.
Wararka kale ee Shabakada Haldoor ka helayso Magaalada Berbera ayaa sheegaya in Guud ahaan ayaa Jaray Khadka Isgaadhsiinta ee Talefonka, taasi oo ay Adag tahay in wax xidhiidh ah oo Dheeraada laga Helo Gobolkaasi.
sidoo kale waxaa guud ahaan gobolka saaxil la geeyey ciidamada kala duwan, ee Miltariga,Booliska,iyo CID-da
Sidoo kale wararku waxay intaa ku Darayaan in Salaadiin kala Duwan lagu Xidhay Magaalada Berbera, iyadoo lala Xidhiidhinayo Dilka Taliye Casayr Alle ha u Naxariistee.
wixii warar ah ee ka soo Kordha kala Soco Haldoornews.com
Haldoornews.com
Hargeysa office
contact@haldoornews.com