Berbera(Haldoornews)-Taliyihii Ciidamadda Booliska Ee Gobolka Saaxil Oo La Dilay Iyo ,Badhasaab Ku-
Xiggeenkii Iyo Askari Kale Oo Dhaawac Ah Iyo Xaaladda Oo Kacsan
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr,ayaa sheegaya in maanta
Deegaanka Biyoolay lagu dilay Taliyihii Ciidamadda Booliska ee Gobolka Saaxil,waxaana sidoo kale la dhaawacay Badhasaab Ku-xigeenka iyo Askari kale.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga cidda dilkaas gaysatay,walina kamay hadal Xukuumadda iyo Laamaha ammaankuba.Waxa la sheegayaa in Xaaladda Magaaladdu ay si aad u kacsantahay,isla markaasna si weyn
looga gadooday Dilka Taliyaha. Waxii kasoo kordha kala soco wararkena danbe