Aragtida Dadweynaha

Maayarka Gabiley oo Tacsi udiray Alle ha unaxariistee Dadkii Maanta ku Geeriyooday Shilkii Naxdinta Badnaa.

Byadmin

Feb 27, 2016

Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin cumar Cabdi ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa ka Golaha Deegaanka Gabiley Iyowaliba Ka Shacbiga Reer Gabiley ,wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii asxaabtii qoysaskii qaraabadii iyo dhammaanba bulsshada reer Somaliland ee ay ka baxeen 15-kii qof ee maanta ku nafwaayey shilkii naxdin lahaa ee ka dhacay jidka u dhaxeeya Gabiley iyo kalabaydh,kadib markii ay isku dhaceen gaadhi NOAH-ah oo sidey dad Shicib Ah iyo gaadhi Kale oo Laangaruusar ah.

Dhinanaca KalenaMaayarka-Gabiley Maayarku wuxuu Alle uga baryayaa 9 –ka qof ee shikaasi dhawacantay inuu caafimaad Sareecana Siiyo
oo uu Eebe ka caafimaadiyo dhaawacyada.

Maayarku wuxuu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo gaar ahaana labadaa Qoys ee ay u badnaayeen dadka ku Geeryooday Shilkaasi Baabuur.

Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhu Raajicuun.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *