Aragtida Dadweynaha

Maanta Iyo Xusuusta Taariikhda. Maxaad Ka Taqaan Xukuumadii Xulka Ahayd Ee M/Weyne Cigaal(Ahn) 1997

Byadmin

Feb 27, 2016

Maanta taariikhdu waa Feb.23.2016,aan dib u milicsano taariikhda 19 sano ka hor maanta oo kale Feb.23.1997.Maalintani waxay ahayd maalin qarani ku taagan qiimo aan la qiyaasi karaynin,waa maalin taariikh dahabi ah u lahayd maalmihii qarankani yagleelka ahaa,waxay ahayd maalin qarankani ku talaabsaday horumar laxaad leh xagga dowladnimada ah.Maalinba maalin ayay qaran u soo ahayde,waxay ahayd maalin laga gudbay marxalad ay Somaliland ku soo jirtay maalitani ka hor.

Somaliland maalintani wixii ka horeeyay waxay ku soo qaadatay marxalad Xal ah,taasi oo wasiirku ahaa xal,guud ahaana arimaha dowliga ahi ku salaysnaayeen xal.

Aaan u dhaadhaco dulucda qoraalka Feb.23.1997,waxay ahayd maalintii la soo gabogebeeyay shirkii 3aad ee beelaha Somaliland ee ka qabsoomay Magaalada Hargeisa.Haddaba maxaa dhacay maalintan,waxa dhacay oo xusid mudan waxay ahayd maalintii Cagta la saaray jidka qaranimada tooska ah,oo maxaa la qabtay ayaa haddana aad is weydiinaysaa.

Waxay ahayd maalintii la soo afjaray madaxweyne ay doortaan ergooyin laga soo xulay beelaha Somaliland.

Isku soo wada duuboo waa maalintii Madaxweyne Mohamed H.Ibrahim Cigal(Ilaahay naxariistii jano ha waraabiyee) lagu doortay shirkii beelaha Somaliland uga qabsoomay Hargeysa.

Goobta shirku ka socday waxay ahayd Hoolka Hayada Shaqaalaha,ergooyinka shirka ka qayb galayay waxay ahaayeen 315 ergay.164 waxay ahaayeen golaha baarlamaanka Somaliland(wakiilada iyo guurtida) inta kale waxay ahaayen ergooyin ka kala socday qaybaha kale ee bulshada.

Maalintani waxa madaxweynaha la tartamayey Saleban Maxamud Adan(Gudoomiyaha hadda ee golaha guurtida) iyo Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Xaashi Cilmi(wasiirkii hore ee maaliyada).

223 ergey waxa ay codka siiyeen Madaxweyne Cigaal,90 ergey waxay u codeeyeen Saleban Maxamud Aadan,2 ergey waxay codka siiyeen Maxamed Xaashi Cilmi.Waxa kale oo lagu tartamay jagada m/xigeenku oo uu ku guuleystay Dahir Rayaale Kahin.

Aan u sii dhaadhacno nuxurka qoraalkee,maadaama ay marxalada laga soo baxay ahayd mid dowladnimadu ku salaysnayd xal iyo beelnimo,maxay soo kordhisay bilowgii jawigan cusub ee la galay,bal aan eegno.

Madaxweyne Cigaal(AHN) waxa uu markiiba ku dhawaaqay in laga baxay cahdigii xalku shaqaynayay,loona gudbay WAQTIGII XULKA.Taasina waxa caddaynaysay dowladii uu soo dhisay madaxweyne Cigaal.In la galay dowlad ku dhisan xulasho iyo aqoon waxa caddayn u ah dowladii uu xilligaasi dhisay Marxuum Madaxweyne Maxamed X.Ibrahim Cigaal(AHN) Bal u fiirso liiska golihii wasiirada ee xukuumadaasi,oo aan ka soo qoray diiwiinkayga xusuus qorka oo muddo dheeri ka soo waareegtay.

  • Wasaaradda Maaliyada       Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo)Madaxweynaha imika talada haya.
  • Arimaha Dibada       Mohamoud Salah Nour(Fagadhe) AHN
  • Arimaha Gudaha           Mohamed Abdi Gaboose
  • Qorshaynta Qaranka                  Mohamed Siciid Gees
  • Waxbarshada           Dahir Mohamed  Yusuf
  • Beeraha           Imaam Yahye X.Ibarim(AHN)
  • Gaashandhiga             Rashid X.Abdillahi
  • Deegaanka          Mohamed Muse Cawale(guddoomiyaha NERAD)
  • Warfaafinta           Cumar Meygag Samatar
  • -Xanaanada Xoolaha         Ahmed Hashi
  • –Macdanta iyo Biyaha          Ahmed Bixi
  • – Cadaalada               Mohamed Abdi Dhimbiil(Galbeedi)AHN.Wasaarado badan ayuu maray.
  • – Hawlaha Guud Yusuf Caynab                             
  • – Dib u dejinta     Abdillahi Hussein Imaan(Darawal)
  • – Ganacsiga              Mohamed Qasim
  • –Madaxtooyada        Jaamac Saalax
  • – Dhaqanka &Ciyaaraha      Cali Sh.Ibrahim Aaraye
  • – Gaadiidka Cirka &Dhulka     Abdillahi Mohamed Ducale(From Cigaal to Rayaale) waxa uu ahaa wasiirkii ugu muddada dheeraa.
  • .Diinta iyo Awqaafta       Maxamed Aayatulaahi
  1. Caafimaadka Dr.Abdi Aw Dahir.

 

 

Waxyaabihii ay qabatay Xukuumadaa xulka ahayd

Ka sakow adkaynta iyo hannashada arimaha amniga,waxa aan ku soo koobayaa qoddobada muhiimka ah ee aan goob jooga u ahayn ee u qabsoomay xukuumadaa xulka ahayd,waxay yihiin :-

  • Kobcintii dhaqaalaha dalka : Taasi oo aan ka xusi karayno Xakamayntii Sixir bararka,iyada oo aan ka war qabno herkii uu gaadhay sarifka Dollarku muddadii madaxweynaha haatan talada dalka hayaa uu ahaa wasiirka Maaliyada.
  • Midayntii Cashuuraha : Waxa ay cashuuruhu ahaayeen qaar wasaarad kastaa lahayd jiwan u gaara oo ay goyso.Dowladaha hoose ee degmooyinku waxay goob kasta oo kastam ah ku qaadi jirtay cashuur ay iyadu jiwankeea jarto.Taasi waxa ay ku soo ururtay in wasaaradda maaliyadu ay jirto cashuur kasta oo dowlada dhexe kala gaar gaar u qaadi jirtay,dowlaha hoosana meelaha kastama ay cashuurteedu ku jirto taasi maaliyada
  • Dhaqaajintii Siyaasada arimaha dibada oo qadiyada Somaliland meelo badan oo caalamka la gaadhsiiyay.
  • Qoraalkii Dustuurka Somaliland,oo muddadii ay dowladaasi shaqaynaysay la diyaariyey,laguna ansixyey codayn dadweyne May.31.2001 dii.
  • Aasaaskii Nidaamka asxaabta badan,iyada oo lagu dhawaaqay ururadii siyaaasada ee u tartamayay in noqdaan xisbiyo sannadkii 2001.

Xaqiiqo ahaan dowladaasi waxa ay qabatay guud ahaan nidadaamka dowliga ah ee maanta jira,iyada oo wixii ka horeeyay lagu soo jiray dejinta amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.Maadaama ay muddo dheeri ka soo wareegtay,waxa aan soo dhaweynayaa cid kasta oo sixitaan ku samayn karta xagga wasaaradaha,oo qaar maqan yihiin,sida Kaluumaysiga,Boosaha iyo isgaadhsiinta

Feb.23.1997 waxa ay ku suntahay maalintii kala wareega xalka iyo xulka.

 

 

Diyaariye : Ahmed Mohamed-daahir Osman.

                         galooley92@gmail.com.

                         Gabiley

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *