Aragtida Dadweynaha

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Tacsi u Diray Dadkii ku Geeriyooday Shilkii Gabiley ka Dhacay.

Byadmin

Feb 27, 2016

Ujeeddo: Tacsi

muuseGuddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen dad badan oo ku dhintay shil baabuur naxdin leh oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Kala-baydh ee galbeedka Somaliland maanta oo Jimce ah 25/02/2016.

Shilkan naxdinta leh oo uu sababay isku dhac laba baabuur oo siday dad rayid ah oo sida hay’adaha ammaanku sheegeen ay dhinteen dhawr iyo toban qof, sidoo kalena ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ahi, waxaannu ku yahay Qaranka Somaliland khasaare culus oo ay kaga baxeen dad muwaadiniin ah.

Shilalka ka yimaada gaadiidka ee ka dhaca waddooyinka Somaliland waa aafo joogto ah oo aynu mar walba ku weyno  muwaadiniin  aannu Qarankan marnaba ka maarmin xooggooda, fikirkooda iyo aqoontoodaba, sidoo kalena  ay ku burburto hanti muhiim ah oo waxtar u ah shacabka iyo dawladda Somaliland labadaba.

Xal-u-helida dhibaatadani, marka laga yimaad qadarka Ilaahay (SWT) waxa lagu gaadhi karaa ku dhaqanka shuruucda waddo-marista, nidaamka calaamaha iyo dhismaha waddooyinka ee waqtiganba lagu haywlanyahay dayactirkooda oo si dhammaystiran loo hirgeliyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Alle uga baryayaa dadka shilkaas ku geeriyooday inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan innaga.Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *