News

Baarlamaanka Dalka Jarmalka Oo Meel Marinaya Sharci Adag Oo Caqab Ad Ku Ah Dadka Magangalyo Doonka Ah.

Byadmin

Feb 27, 2016

german-parliamentBerlin(Haldoornews)Baarlamaanka jarmalka ayaa Maalintii khamiistii waxaa loo gudbiyey qaybo ka mid ah sharciyo adag oo ku Saabsan dadka Magangalyo doonka ah ee dhaqan Dalka jarmalka.

kadib Markii Muddo Bilo ah ay Socotay dood aad u kululi ayaa Codka ama qiyaasta waxay u dhacday 429-147 afar mudane way diideen .

Sharcigan ayaa ujeedadiisu ahayd:-
Dandajinta nidaamka ama codsiga magangalyo doonaha .
In la sameeyo in si dhib yar loo masaafurin karo qofka muhaajirka cabashadiisa magangalyo aaaanay dawladda jarmalku aqoonsan.
Waxa kale oo ay saadaalinaysaa ama hordhac u tahay in la furo goobo soo dhawayna oo magangalyo doonayaasha codsigooda magangalyo lagu baadho,dadka ay arintani sida gaarka ah usaamaynaysana waxa ka midda dadka asal ahaan kasoo jeeda wadan nabadda iyo dadka maamulku diiday in codsigooda magangalyo la eego .

Sharcigan waxaa soo hoos galaya Dadka sharciga xadidan la siiyey ama aan qoxootiga rasmiga ah ahayn kuwaasoo iyaguna qoyskooda sugi doona muddo laba sano ah .
Sharcigan ayaa lahorgeeyay Shalay Jimcihii guriga sare ee dalkan jarmalka ee bundusrat si cod loogu qaado jarmalkuna uga soo kabto ama wax uga qabto qulqulka qayra caadiga ahaa ee muhaajiriinta kuwaaso kasoo jeeda afrika iyo bariga dhexe

Haldoorenews.com
Berlin Germany

contact@haldoornews.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *