Shir balaadhan oo si heersare ah loosoo agaasimaya ayaa shalay ka dhacay Caasimada dalka Finland ee helisinki, Shirkan ayaa ahaa mid ay qabsadeen taageerayaasha xisbiga talada dalka Somaliland haya ee Kulmiye iyo Gudida Fulinta ee Xisbiga.
Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay intabadan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee kusugan Finland, shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii laanta xisbiga kulmiye ee Finland ugu diyaar garoobi lahaayeen taageerada dhaqaale iyo siyaasadeedba ee xisbiga iyadoo goobta shirka lagaga dhawaaqay in Laanta Kulmiye Finland ay gacan dhaqaale ka gaysan doono ololaha Doorashada Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo tasiyaasadeedba, waxana iskood isugu xilqaameen inay kucaawinayaan Xisbiga Aduun dhan 20.000 oo dollar (labaatan Kun oo Dollar).
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Finland oo halkaa kahadlay ayaa kudheeraaday sida ay muhiimka utahay in la isbarbar taago Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdiraxmaan saylici silooga midho dhaliyo Hiigsiga iyo himilooyinka fog ee xisbiga Kulmiye, waxaanu taageerayaasha kudardaaray wadajir iyo midnimo sidoo kale waxa uu sheegay in ay lamahuraan tahay in lamaalgashado xisbiga maadaama oo xisbiyada Dunida horumartay ay kudhisanyihiin taageerada dhaqaale ee taageerayaashooda.
Waxa sidoo kale hadalo qiima badan kajeediyay madasha Mudane Cumar Cabdi Nuux oo kamida saraakiisha Madaxtooyada Somaliland kuna dhiiragaliyay in laga qaybqaato qaadhaanka Xisbiga isla goobtana kaga dhawaaqay inuu bixinayo 1000 dollar
Waxa iyaduna goobta kahadshay Marwo Xabiiba Xassan oo ay aqoon badan isluleeyihiin Gudoomiyaha xisbiga iyadoo kawarantay taariikhda dahabiga ah ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ku leeyahay dalka Somaliland.
Waxa iyaguna hadalo kajeediyay madasha Gudoomiyaha garabka haweenka Marwo Hodan Cabdi Aadan iyo masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Mudane Sacad Raage Umal.
Gabogabadii waxa lagu ansixiyay shirka xeerhoosaadka laanta Kulmiye ee Finland, waxaana isla Goobtii dadku safaf ugaleen inuu qof waliba iskii isugu qoro cadad lacageed ee uu bixinayo kahor wakhtiga ololaha Doorashada iyadoo guud ahaan lacagta la ballan qaaday noqotay $20.000 (Labaatan kun) oo dollar
Allaa Mahad leh
Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Finland
Mudane Jaamac Xassan Cali
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |