Waxaa la Ogaysiinayaa Qurbajoogta Beelwaynta Sacad Muuse ee Dalka Jarmalka iyo Nawaaxigiisa in ay ka Soo Qayb galaan Shirka Hodaale oo Lagu qaban Doono Magaalada Frankfort Taariikhdu markay Tahay 15-04-2016.
Shirkaasi oo Si Heer Sare ah loosoo Agaasimayo ayaa Beeshu kaga Tashan Doontaa Aayeheeda laguna Dhisi Doonaa Guddiyo Horumarineed oo ka Shaqeeya Horumarka Beesha, lagu Ururin Doono Mucaawimooyinka lagu Taakulaynayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee ku Dhaqan Deegaanada Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeisa.
Waxaa lagu lagu Wargalinayaa Kasoo Qayb galayaasha Shirka in ay Ilaaliyaan Wakhtiga uu Shirku Bilaabmayo oo ah 5:00pm Galabnimo
Wixii Faahfaahina Kala Xidhiidh Telefoonada Pannelka ka Muuqda.
Gudoomiyaha Gudida Qaban Qaabada Hoodaale Germany
Axmed Cabdillaahi Xasan