News

DAAWO: “Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu Ka Soo Jeeda Beeshii La Odhan Jiray Dhab Libaax Ee 8-Sanno Daahir Rayaale Ku Jiifay”. Axmed Muumin Seed Oo Weedh Dhaawac Ku Ah WADANI Markale Ka Dhawaajiyay.

Byadmin

Feb 20, 2016
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADANI Axmed Muumin Seed, ayaa ka dhawaajiyay weedh dhaawac ku ah tageero uu Xisbiga WADANI ka heli karo degel ka baxsan beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Xisbiga hoggaamiya ee Cabdiraxmaan Cirro. Kadib markii uu Xaflad ka dhacday Magaalada Boorame oo Garabka Haweenka Xisbiga WADANI soo qaban qaabiyay isagoo ka hadlaaya Axmed Muusin Seed kaga dhawaaqay weedhan. “Cabdiraxmaan Cirro (Guddoomiyaha Xisbiga WADANI) wuxuu ka soo jeeda Beeshii la odhan jiray Dhab Libaax ee 8-Sanno Daahir Rayaale ku jiifay.” Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADANI oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Maanta wuxuu xaq inoogu leeyahay inuu 8-sanno ku jiifo dhabta rer Awdal”.
Hadalka Axmed Muumin Seed ayaa dhaawac xoogan u gaysan karta taageero Xisbiga WADANI uu ka filan kari lahaa degelo ka baxsan Beesha Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeedo, maadaama oo aanay iyagu wakhtigaas taageersanayn taxaalufka uu sheegay ee lagu magacaabi jiray “Dhab Libaax” kaas oo ay ku midays naayeen beelaha Gobolka Awdal iyo Beesha Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeedo. Sidoo kale wuxuu hadalkani cadayn u yahay sida cadaanka ah ee aanay u jirin Isbedel dhab ah oo ay ku kala duwan yihiin Axsaabta ka jirta waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, mar haddii Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee iyagu soo bandhigi lahaa wax ka duwan wixii hore u jiray, balse waxaa ugu weyn ee ay wax ku doonayaan ama ku baaqayaan ay tahay Qabyaalad Cadaana. Hoos Ka DAAWO Hadalkii Axmed Muumin Seed.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *