News

Boorama:-Guddoomiye Cirro oo Gurigooda Ku Booqday Fannaaniinta Aamina Cabdillaahi iyo Cabdiraxmaan Dheere+SAWIRO

Byadmin

Feb 19, 2016

Boorama(Haldoornews):-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdiraxmaan (Cirro), ayaa maanta gurigooda oo ku yaala magaalada Boorama ku booqday fannaaniinta caanka ah ee Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Cabdiraxmaan Cismaan (Cabdiraxmaan Dheere), oo muddooyinkii dambe ay Aamina Cabdillaahi xaalad caafimaad u jiiftay gurigeeda.

Waxaana booqashadan guddoomiyaha Cirro ku wehelinayey guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud ee WADDANI, siyaasi Xamarje, Taliye Jidhif, xubno ka mid ah guddida fulinta, garabka dhallinyarada iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo gurigooda kula kulmay fannaaniintan, ayaa ugu horeyn ka xaal waraystay xaaladdooda caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu ka dulqaado xanuunka sida oo kalena uu ugu bedelo caafimaad taama iyaga iyo umadda Islaamka ahba.

Fannaanada Aamin Cabdillaahi Xirsi iyo Cabdiraxmaan Dheere oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin in guddoomiye Cirro uu ku soo booqdo gurigooda sida oo kalena uu oggaado xaalkooda caafimaad, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay uga mahad-celinayaan booqashadan iyaga oo Alle uga baryey in uu siiyo muraadkiisa oo quman.

IMG_0217 IMG_0220 IMG_0224 IMG_0227 IMG_0233 IMG_0234 IMG_0235 IMG_0245 IMG_0250 IMG_0256 IMG_0257 IMG_0216 IMG_0260

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *