Haldoornews.com
Xisbiga Kulmiye Waxa Uu Si Adag U Cambaaraynayaa Weerar Lagu Qaaday Goob Ay Ka Socotay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Oo Ku Taal Deegaanka Hadayta Oo Hoostimaada Degmada Lughaya Ee Gobolka Awdal
February 18, 2016 - Written by admin

wwwwXisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi maanta (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami-u-socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobsaati, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaangelinta iyo nabadgalyada bulshadaba.

Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta.

Alla             Mahad            Leh

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

XASAN SICIID YUUSUF

COMMENTS
Arimaha Diinta