Haldoornews.com
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo Socdaal ku Tagay Magaalada Baladwayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
February 18, 2016 - Written by admin

Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Max’uud iyo Wafdi ka Koobanaa labada Gole ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa Barqannimadii maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa waxaa Socdaalkiisa ku Wehliyay Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, iyo Nafiso Geedi Santuur oo ka soctay xafiiska RW Somalia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay, Xildhibaan Maxamed Xassan Ibraahim Qoono, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka,Yuusuf Axmed Hagar, saraakiisha Ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika AMISOM.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo loo galbiyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa Markiiba billaabay Kulammo Wada-tashi ah oo la xiriira Siyaasadda dhismaha Maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa kulan gaar ahaa oo arrintan ku saabsan la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo saacado badan ay kawada Hadllayeen Qorshaha Dhismaha Maamulka labada Gobol.

Wasiirka Amniga Qaranka xukuummada Somalia, C/risaaq Cumar Max’ed oo qeyb ka ahaa Wafdiga madaxweynaha Somalia, ayaa HOL u sheegay in Ugaaska iyo Madaxweynaha DF ay ka hadleen labo Qodob oo kala ahaa; Dib-u-hishiisiinta iyo dhismaha maamulka Labada gobol, wuxuuna intaas raaciyay inay waxyaabihii madaxweynaha Somalia iyo Ugaas ay ka wada-hadleen ay isku af-garteen.

”Madaxweynaha wuxuu kulan la qaatay Ugaaska cid kale lama uusan kulmin, dabcan isaga iyo Ugaas Xasan labo qodob oo keliya ayay kawada hadlleen, kuwaas oo kala ahaa; Dib-u-hishiisiinta, Madaama ay jireen dagaallo marar badan Qaybo ka mid ah Gobolka ka dhacay iyo shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Sh. Dhexe, dhammaan Qodobadii ay kawada hadleenna way isku af-garteen,” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku daray.

Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa si wadda jir ah u qaadacay ka qeyb-galka shirka magaalada Jowhar ee dhismaha maamulka labada gobol, iyaga oo inta badan fashilka shirka ku yimid dusha ka saaray Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisii ayaa goor-dhaw ka Dhoofay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo dib ugu Laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

8

COMMENTS
Arimaha Diinta