News

Keebaa Libtu ku raacday socdaalkii Muuse iyo Cirro ee gobolada Galbeedka:

Byadmin

Feb 18, 2016

Muuse biixi oo safarkii galbeedka lagaga badiyey xaga warbaahinta, ka dib markii Cirro tobaneeyo wariye ka kaxaystay Hargeysa halka wariyeyaashii gobolka Awdalka uu ku darsaday, Cirro wariyeyaasha waxa u dajiyey qorsheyaal wanaagasan oo ah qaar wararkiisa buuun buuniya iyo qaar daldalooyinka Muuse uun isha ku haya, waxaanay goobo badan oo ay iskugu yimaadeen la arkayey sawiro fool xun oo laga baahiyey Muuse, halka sawirada Cirro fool xumo loo arko la qarinayey.

Muuse iyo weftigiisa waxa camaradu qabatay iyadoo deegaanka Qol u jeed lagaga mudaharaaday, halka Cirro oo deegaano Baki ka mid tahay lagu soo dhoweeyey Calanka Kulmiye oo mudaharaad u muuqday warbaahintii la socotay hoosta dhigtay si aan loo baahin.
Intii safarku socday waxa la arkayey Cirro biyo ugu deeqayey Dadka abaaraha iyo isagoo dadka masaakiinta wax siinaya, Balse Muuse marna kamaradu may qaban arrimo samafal ah isagoo fidinaya.
Labadan wefti ee kulmiye iyo WADANI may ahayn qaar ay ku kormeerayeen goobihii diiwaangelinta ee waxay ahayd mid dhoolatus ah oo mid walba shacabka tusayey awoodda uu gobolka ku leeyahay, haseyeeshee waxay ku kala badiyeen xaga warbaahinta oo midna buun buunisay midna dhaliishisa mooyee camaraddu aanay qabanayn wax kale.
Warbaahintu wax aan waxba ahayn ayey wax kaaga dhigi karta ama aanad rumaysnayn ayey ku rumaysiin karta, inkastoo warbaahinta ceeb ku tahay inay la kala safato balse kii soo dhoweeya uun bay taageerta.

Barkhad-Ladiif Cumarcirro_muuse

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *