News

“Anniga haddii Ilaahay nagu guuleeyo dekaddo waaweyn oo ganacsi oo geeska Africka ugu horeeya inaanu Berbera, Saylac, iyo Maydh ka dhigno”. Warsaxafadeed. Jamaal Cali Xuseen

Byadmin

Feb 18, 2016

WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN ARRIMAHA MURANKA CEEL GARDI IYO OLOLAHA XISBIYADDA IYADOO DIIWAAN GELIN LAGU JIRO. JAMAAL CALI XUSEEN, Murashaxa Xisbigga UCID: Maanta xaalladda uu wadankeenu ku jiro ayaan jeclaystay inaan ka caqli celiyo gaar ahaan labadda arimood ee kala ah; muranka iyo hadaladda saxaafadda layskaga mariyey dekadda deegaanka Ceel Gardi; iyo ololaha xilligiisii aan la gaadhin ee ay ku jiraan labadda xisbi ee Kulmiye iyo Waddani iyaddoo uu dalku xaalad abaareed ku jiro imikana ay tahay uun diiwaan gelin.
1. Muranka Arrimaha Dekadda la xidhiidha ee deegaanka Ceel-Gardi: Anigoo aan u kala hiilineynin dadka walaalaha ah ee wada dhashay ee is dhalay ee Somaliland wada degga; waxaan jeclaystay inaan kelmad ka idhaahdo arrinkan maalmihii ugu danbeeyey laysku marinaayey saxaafadda ee khuseeya deegaanka Ceel Gardi. Arrinka halkaa ka dhacay waa arin aan wanaagsaneyn, maaha halkii aynu qarankan la doonaynay, maaha halkii aynu hiigsanaynay. Waxay dhaawac iyo dhabar jab ku tahay ragii soo dhiciyey gobanimada somaliland in maanta aynu degmooyin beel beel,iyo qoys qoys isu qabsano oo isu hub urursano 25 sano dabadeed. Waxay ahayd in aynu geeska Africa hogaamino, qadiyadeena socodsiino, nabadgelyadeena sugno, dadkeena midayno, dhaqaalaheena dhisno, ciidankeena dhisno, cadaaladeena tayayno, dhisno iskuuladeena, wadooyinkeena, dekadaheena, oo weliba gaajadda ka saarno danyarta Somaliland. Waa inoo nasiib daro in 25 sano ka dib ardaayo ummadda loo qayb qaybiyo madaxa la isugu garaaco oo niman ganacsato ah iyo xukuummadd mudo kordhin doonaysaa dadka qoorta isu sudho. Dalkeenu in dekad cusub la dhiso iyo in tii hore la horumariyaba waa loo baahan yahay oo ay dawladdu horseed inooga noqoto, shicibikuna baahiyahoodda kolba xukuumaddii jirta u soo gudbiyaan. Masuuliyadeedda waxaa iska leh xukuumadda markaasi xukunka gacanta ku haysa. Waa hanaanka dawladnimo ee aynu isku waafaqnay. Annaga haddii Ilaahay nagu guuleeyo dekaddo waaweyn oo ganacsi oo geeska Africka ugu horeeya inaanu Berbera, Saylac, iyo Maydh ka dhigno; oo weliba dekedo kale dhisno, oo weliba kuwo yar-yar oo kaluumaystada ka ceeshtana inaanu samayno diyaar baanu u nahay anagoo eegayna kolba baahiyaha ka jira dalkeena. Waxaynu u baahanahay midnimo somaliland oo dhan ah waxaynu la doonaynaa in wiilka Sool jooggaa Hargeysa dhisankaro ka Burco joogaana Sool dhisankaro ka Berbera joogaa Ceerigaabo dhisan karo, ka Boorama jooggaana uu Berbera dhisan karo. Maaha in labadii wada dhashay ee kunka sanadood wada joogay la sii kala kaxeeyo. Xukuummadda Kulmiye markay Burco labo daamood u qaybiso, Berberana maanta qaybinayso, Hargeysina ku xigto, ma waxaynu ka rumaysanaa Buuhoodle ayaanu shacabka u keeni oo Somaliland ayeeynu mideyn doonaa? Shacabka fariinta aan hoosta uga xariiqayaa waa inay midoobaan, Shacabka Somaliland Ilaahay baa isbaday, oo isku ag beeray. Shacabka yaanay siyaasiyiintu isku dirin. Ninka siyaasiga ahi wuu iska tegi doonaa ee yaanu colaad idin dhex dhigin walaalayaal. Shacabku iyagaa weligood wada noolaanaya dhulkuna wuu inaga badan yahay. Walaalayaal yaan TVyadda layskaga hanjabin; dawladuna maaha in dusheedda laysku qabsaddo; inay dadka walaaleyso oo isku soo jiido ayaa laga rabaa. Haddii ay dawladdu doorkeeda ka qaadan weydana anagaa kala dhex geli doona shacabka walaalaha ah oo isku soo jiidi doona oo heshiisiin doona. Maanta Somaliland in dalka la wada dhisto oo la walaaloobo ayaa wax walba ka horeeya.
2. Qodobka labaad waxaan jecelaystay inaan kelmad ka idhaahdo ololaha labadda xisbi ee Kulmiye iyo Waddani . Runtii diiwaangelintii olole siyaasadeed bay ka dhigteen Kulmiye iyo Waddani, iyadoo dalkii abaaro ka jiraan bay baabuur iyo wafti isugu faanayaan. Dadkiibay iska horkeenayaan oo marba midbaa intuu koox soo abaabulo hebel ku mudaharaada odhanaya taasoo sababi karta nabadgelyo xumo iyo colaad bulshadda la kala dhex dhigo. Maanta labadda gudoomiye xisbi ee labaduba yihiin xukuummadda midna sharci dejintii yahay, midna fulintii yahay waxa looga fadhiyaa inay xeerkii baarlamaanka lagu dooranayey sameeyaan, inay xeerkii kala xadaynta gobolada sameeyaan ee loogama fadhiyo olole iyo inay bulshada isku dhuftaan. Mida kale dadkeenii abaaro aad u xun ayaa dul hoganaya ilamana aha in lala dul tago olole doorasho oo aan xilligiisii gaadhin. Labadda waxa ka haboon in dhamaanteen aynu ka shaqayno sidii danyarta Somaliland ee abaarahu saameeyeen loogu gurman lahaa; maanta waxa haboon in aynu ka shaqayno sidaynu bulshadeena uga furdaamin lahayn Silica iyo Sicir bararka dul hoganaya dhamaan shacabka Somaliland ee ay noloshii ku sii adkaatay. Ilaahayow dadkayga iyo dalkayga u gargaar. Wa bilaahi tawfiiq!

Jamaal Cali Xuseen
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigga UCID

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *