Haldoornews.com
Gebilay Iyo Gobolka Maqaarsaarka Ah.by: Axmed Qodaal
February 17, 2016 - Written by admin

 

gabiley
Bahda Haldoornews waan idin salaamay, bacda salaan waxaan maqlayey maalin dhaweyd
oo guddoomiyaha xisbiga Wadani uu magaalada Gebilay  soo hadalqaaday Gobalnimada
Gobolka reer gebilay lagu khuukhiyo.
Reer gebilay waxay noqdeen sidii ciyaar laga ciyaaro wadanka Spain oo dibi inta lagu soo daayo
meel garoon ah kadibna nin soo qaato maro cas oo u eeg calanka Wadani, kadibna uu hor qabto dibiga
dibiga oo ka xanaaqa midabkaa la hor marinayo ayaa geeska ku soo qaada meeshii uu ninku joogay, kadibna
ninku wuxuu ka taagaa dibiga soodh halis ah, halkaana wuu ku dhintaa dibigii, waxaan uga socdaa Cirro ayaa
wuxuu ku tiraabay haddii ay dawladu soo gudbiso gobolada buuxiyey gobolnimada oo golaha la  keeno
sida ugu dhaqkhsaha badan ayaan u ansixinayaa. waxaa ka horeeya xeerarkii kala xadaynta gobolada iyo
degmooyinka oo shaqadiisa ahayd 10 sanno aanu waxba ka qaban, markaa ha loogu dhaarto Cirro in reer
gebilay ay ka horeeyaan, mid kale ninka xisbiga dhexdiisa xaq soor ka sameyn kari waayey ee xil keliya
laba mas’uul ku kala saari waayey ayaa tallo laga sugayaa Afhayeenka wadani iyo Xoghayaha warfaafinta
xisbiga wadani maxay kala yihiin, ninka ilaa hadda laga fujin la’yahay guddoonkii baarlamaanka ee labada
magac sita beri sidee looga fujin doonaa kursiga. reer gebilay waxaan leeyahay ma geydaan hangool lagu
guuro maalinta reerku guurayo ee balanteenu waa Guul iyo gobanimo.
Ahmedqodaal Oslo Norwey.

COMMENTS
Arimaha Diinta