News

Cali Gurey: Isku Shaan Dhaayntu Waa Siyaasad Dhabar Jab Ku Ah Muuse Biixi

Byadmin

Feb 17, 2016

Hargeysa (Haldoornews)-Guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujahid Cali Gurey ayaa isku shaandhayntii Madaxwaynaha Somaliland todobaadkan sameeyey ku macneeyey mid dhabarka lagaga jebinayay murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cali-gurey-iyo-Muuse-biixi-450x158

Cali Gurey ayaa sidoo kale sheegay inaan isku shaandhayntaas aanay ku jirin dad la mahadin karo maadaama isku bedel uun la sameeyey, waxaana uu xusay inaanay tasi waxba soo kordhin doonin. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxba isku shaandhayn haka hadlina waayo la bedelay kuwa lagu bedelay ayaa ka liita ninkii adhiga raaci kari waayayna geela ayaa la raacinayaa markaa wax la isku mashquuliyo maaha waayo madaxtooyadu iyada ayaa mucaaridka u shaqaynaysa haddii aanu xitaa iskaba seexano.

Muuse Biixi-gan ay soo sharaxday ayay dilaysaa oo aanay taageerayn, talabadii kasta ee ay xukuumaddu qaadaaba mid Muuse Biixi ayay dhabarka ka jebinaysa isna iska garan maayee taageero ayuu u haystaa” ayuu hadalkiisa ku yidhi Mujaahid Cali Gurey.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *